Abaaraha ka dhaca Soomaaliya waa kuwo soo rogaalceliya ama
soo noqnoqda. Waxaa wali jabaqahoodii sii yeerayaan abaarihii waaweynaa ee
geyiga Soomaalida ka dhacay sida; Xaaraamo-Cuna (1913), Haarriya, Gaadda-Weyna,
Ruuga, Harga-Cuna, Mug-Weyn, Baastaaley iyo Dabadheer (1973). Xilligaan la
joogo waxaa ka jira dhammaan dagallada Soomaalidu degto abaar ba’an oo
meesiyadii la dhaqan jiray baabi’isay, sidaas darteedna, dadkii ku tiirsanaa
xoolaha gayeysiiyay diihaalka oonkiyo gaajada.
In kastoo abaaruhu hubaashii yihiin kuwo aan baaqanayn ee
soo noqnoqoda, haddana maamullada iyo daweynihu ka ma gaashaantaan dhibabkooda
ama xitaa wax uun dadaala ama kutalagala la ma sameeyo. Sidaasi waxay keentay
in markii abaari soo barraahsataba qeylodhaantu wildhato oo dibad iyo gudana
loo tebiyo. Waxay noqatay bulshadii Soomaaliyeed mid mar walba u baahan in
dibadaha looga soo gurmado oo gargaar joogta u baahan. In kastoo baaxadda
abaarihii la soo darsay ummadda Soomaaliyeed, dhab ahaantii keeneen baahi aysan
isaga filnaan karin, haddana waxaa dhab ah, inaysan is la ummaddu lahayn
dadaallo iyo tabo looga gol leeyahay iska-samatabixinta abaaraha iyo
u-tooghayntooda. Waxyaalaha la samayn kara waxaa kamida:
1- Beekhaaminta
Dhulka:
· Joojinta
jaridda dhirta si uusan dhulku u xaalufin (deforestation). Sababta ugu weyn ee
dhirtaa loo jaraa waa dhuxusha, haddaba, haddaan marka hore la helin beddalkii
dhuxusha ama tamarta dhuxusha laga helo, suurtogal maahan in hadal dhirtu ku
badbaaddo, iyadoo waliba baahida tamartu sii kordhayso maadaamo dadku badanaayo.
Waxaa dhuxusha la shito beddali kara digada ama saalada xoolaha oo haddii loo
hawlgalo si dhoqso ah dhuxusha looga maarmi karo.
· Nasinta
dhulka (range restoration); waxaa dhacda in xooluhu hadba dhinac u guuraan oo dhulka
ka dhigaan miday daaqaan iyo miday qoobka mariyaan, sidaasna dhulkii ku noqdo
mid si tahan dhaafa loo daaqo (overgrazing) iyo mid qoobka ku waxyeelloba. Arrintaan
waxaa wax looga qaban karaa dhul -daaqsidmeedka oo la maamulo oo siday mar
ahaan jirtay la sameeyo xirmooyin daaqa ka caaggan xilliga roobka.
· Nabaad-guurka
ciidda (soil erosion); markii ay xoogaystaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay
waxaa dhacaya nabaadguur, haddii aan wax laga beddelin sida wax u socdaanna waxaa
hubaala in dhulku isu rogi doona lama-degaan (desert).
2- Beekhaaminta
Biyaha:
· Biyaha
roobka waa in la kaydshaa (rainwater harvesting). Waa in la helo siyaalo jaban oo biyo badan loo kaydin karo, waxaana
tusaale ahaan, la sameyn karaa meelaha godan oo biyuhu ku aruuraan ama
balliyada oo loo hubeeyo si aysan biyuhu uga gudbin ama dhulku u liqin.
· Biyayowga
togagga oo aad u badan aadna u khasaara waa in loo sameeyaa biyoxireenno badan.
Waxaa kamida biyoxireennada la samayn karo (subsurface dams); ceelal laga dhex
qodo togagga inta ay qallalan yihiin, kuwaas oo markii togaggu guraan loo
baxsado biyahooda.
· Dhulka
aad loo jaray dhirta, marka roobku da’o waxay biyaha rogmanayaa nabaadguurshaan
ciiddii. Si uusan dhulkaasi u noqon gabiib maran oo aan waxtar lahayn waa in la
helo qaab lagu badbaadinaayo nafaqada ciidda, sida xannibyo loo sameeyo ciidda
guurguuraysa.
· Biyaha
ceelasha dhaadheer sida kuwa riigagga/matoorradu aalaa waa qaali. Waxaa habboon
in la helo qaab jaban oo biyaha dhulka ku jira bannaanka loo keeni karo.
3- Calafka
Xoolaha:
Waxaa doqonnimo weyn ah in meesiyada la
dhaqdo oo nolosha dadka miyi iyo magaalaba ku tiirsan tahay dheeftooda lagu
halleeyo xilliyada roobka oo marar badan yaraada amaba la waayaba. Sidaas
darteed, waxaa loo baahan yahay in xoolaha loo abuuro calaf oo waliba si aada
loo beero calafyada xoolaha. Waxaa degaannada Soomaalidu leeyihiin cawsas
nafaqo wanaagsan leh oo haddii la beero ama la xannaaneeyo ku filnaan kara
dheefinta xoolaha. Waxaa ka loo jira calafyo dalal kala ka baxa oo Soomaaliyana
lagu abuuri karo, sida cawska caanka ee Suudaan (Sudan grass). Waa in la helaa
ganacsato badan oo ku hawlan beerista calafyada xoolah iyo hey’do dawladeed oo
ku foogan meelmarinta barnaamijyada calafka xoolaha.
4- Isu-Dheellitirka
Tirada Xoolaha Qoysku Dhaqdo iyo Awooddiisa Dhaqasho:
Waxaa aad loo og yahay raacatada
Soomaalida in qaarkeed yeelato xoolo tiro badan, sida tirooyin aryo ah, fadhiyo
lo’a iyo kadimo geela, haddana is la qoysaskaas waxay noqdaan kuwo aan dhaqaalo
ahaan isku filnayn. Xilliyada roob-la’aantana qoysaskaasi aad bay xoolaha ugu
dhibtoodaan.
Haddaba, haddii xoolaha nacfiga laga helaa
dabooli waayo baahida qoyska iyo kharashyada is la xooluhu keenaan,
badnaantooduna hawkar badan tahay sow sidaas ka ma roona, dhaqashada xoolo
kooban oo dheef fiican leh oo kharashkooduna yar yahay?
5- Kaalinta
Maamul-Dawladeedka:
In kastoo Dalka Soomaaliya yahay dal si
weyn ugu tiirsan xoolaha la dhaqdo, haddana arrintaas la ma siin culayskay
lahayd. Waxay ahayd in tusaale ahaan, wasaaradda ugu dhaqaale badan noqoto
wasaaradda horumarinta miyiga, laakiin waxaa laga dhigay midda ugu liidata,
wasiirkii loo magacaabana waxaa loo arkay mid meel cidla’ lagu tuuray.
Gabagabo:
Oraah caana ayaa waxay ahayd; “daaweynta waxaa ka roon kahortagga.” Waa is la siidiiye, marka la tixraaco sooyaalka cimilada geyiga Soomaalida waa hubaal in xilli abaarihi soo beegan yahay gooray ahaataba. In marka abaartu timaaddo la balwo ama la argagaxo waxaa ka roon in laga tabaabusheysto.
Oraah caana ayaa waxay ahayd; “daaweynta waxaa ka roon kahortagga.” Waa is la siidiiye, marka la tixraaco sooyaalka cimilada geyiga Soomaalida waa hubaal in xilli abaarihi soo beegan yahay gooray ahaataba. In marka abaartu timaaddo la balwo ama la argagaxo waxaa ka roon in laga tabaabusheysto.
Waxaa dhab ah, in cimiladii adduunyadu is beddeshay, sidaas
darteedna ay habboon tahay in isbeddelka cimilada lala falgalo. Hadday waa
ahaan jirtay in, inta la guuro lagu furo ruuman cosob leh, sidaasna daaqsato
lagu ahaado, arrimihii waa is beddeleen.
Waxaa ka loo dhab ah, in tirada dadka adduunku si xawli ah
u kordhayso, sidaas darteedna baahida dhul wax laga soo saaro maalinba maalinta
ka dambaysa sii kordhayso. Arrintaan dambe awgeed, waa in qoyska guuraa noqdo
deggane yeesha qeyb dhulka kamida xoolihiisana u beera calaf ama dheeftay ku
noolaan lahaayeen.