Soomaaliya waxay nasiib u yeelatay inay daris la
ahaato dal ay mar walba hoggaanshaan xoogag rumaysan inay xaq u leeyihiin inay
gumeystaan dadyowga dariska la ah. Xoogaggaasi waa Xabashida (Abyssinians) oo dhaqan
ka dhigtay inay xoog ku muquuniyaan ummadaha ku nool Geeska Afrika.
Si ay
quudiyaan ciidammadii tirada badnaa ee ay ummadaha ku qabsanayeen, waxay sharci
ka dhigteen inay ciidammadoodu boobaan beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada wixii ka
horreeyay 1907-dii. Tusaale, markay soo galeen Jigjiga 1897-dii waxay dadkii
Soomaali Galbeed ka boobeen boqollaal kadin oo geela, boqollaad fadhi oo lo’ ah
iyo aryo diigaanya. Waayahaas waxaa si adag u la dagaallamay dh/dhaqaaqii
Daraawiishta.
Xoogaggii reer Yurub ee qeybsaday degaannada
Soomaalida, dhibabkay keeneen waxaa weheliyay xoogaa ilbaxnima oo laga korarsaday sida
teknoloojiyada casriga, hase yeeshee, Xabashida oo ahayd gumeyste madow oo
barbar socday saancaddaha, wax laga kororsaday oo aan ka ahayn dhib iyo
dhaqan-xumo ma jirin. Gumeystayaashii reer Yurub markay ka guureen dhulalka Soomaalida
waxay sii ka la qeybsheen dhulalkii Soomaalida, waxayna 1948-dii siiyeen
Xabashida dhulkii Hawd, 1954-tiina waxay ugu dareen dhulkii ay u la baxeen
“Reserved Area” ama Dhulkii Keydka ahaa. Markii dhulalkii hambada ahaa ee ay u
la baxeen “British Somaliland” iyo “Italian Somaliland” xornimadooda la
ballanqaaday, waxay Xabashida oo uu hoggaaminaayay boqor Xaysle Salaase ku
dadaashay kuna doodday inaan xornimo la siin Soomaalida, ayna kamid tahay
Dhulweynaha Itoobiya. Sidaas darteed, hanka Xabashidu mar walba wuxuu ahaa inay
Soomaalida liqdo bad iyo birriba.
Dadka Soomaaliyeed waxay loollan adag ka horgeeyeen
gumeystaha madow ee garaadka yar, ila maantana u ma hoggaansamin taladiisa.
Wuxuu shacabka Soomaaliyeed si durugsan u aamminay inaan dalcadaha saree
Itoobiya shar mooyee kheyr ka soo hooban, waxaana caddeyn u noqotay xumo mooyee
samo-la’aanta ay yaahuudaas ka la kulmeen.
Mar kasta oo uu shacabka Soomaaliyeed iska caabbiyo
hororkaas, waxaa joogto noqotay in xoogagga masiixiga ee galbeedka iyo kuwo
bariguba u soo hiilliyaan gumeystahaas gardarrada badan, ilaa ay xaalka
gaarsiiyaan in la burburiyo dawladnimadii Soomaaliyeed iyo in cadawgii
soojireenka ahaa loo gacangeliyo agaasinka arrimihii Soomaaliyeed ee la murgiyay.
Tan iyo waagii xabashidu bilawday ololayaashii
kadhanka ahaa danaha ummadda Soomaaliyeed, waxay ku shaqeysanaysay oo hawlgelinaysay
kooxo Soomaaliya oo ay hub iyo taageero kalaba la garabjoogtay, si kuwaasi
dalkii ay u dhasheen qalalaase u geliyaan, waxaana tusaale fiican u ah
jabhadihii hubeysnaa ee Soomaaliya haadanta ay ku hoobatay ku harbiyay.
Dhanka kale, tan iyo waagii ay Soomaali ku hammiday
inay yeelato dawlad qarameed, wuxuu hankeedu ahaa in la helo dawlad qarameed
dhammaystiran, ujeedkuna wuxuu ahaa in la helo Soomaali Weyn oo ku midaysan hal
talis iyo hal calan. Hankaan Soomaalidu ku dhegganayd wuxuu qaraw iyo argagax
ku riday Xabashida. Sidaas darteed, waxay geed dheer iyo geed gaaban u fuushay
sidii laabta Soomaalida looga tirtiri lahaa hammigaas.
Waayahaan dambe, waxaan aragnaa kooxo la baxay
magacyo silloon sida Dammul Jadiid. Magacaan waxaa ku hoos qarsoon ujeeddo ah,
baabi’inta hankii weynaa ee Soomaali Weyn. Waxaa la abaabulayaa dhallinyaro
xula oo la rabo inay talada dalka iyo kaabayaasha dhaqaalaha la wareegaan,
sidaasna ku noqdaan awoodda dalka hoggaaminaysa. Kooxahaasi waxay ka maran
yihiin waddaniyaddii Soomaalida iyo hankeedii weynaa oo ahaa qodob mideynaaya. Marka si kale loo dhigo,
waa aalad cusub oo gumeystaha madow iyo kaaliyaashiisu soo hindiseen. Astaamaha kooxahaan
aaladda u ah nacabka Soomaaliyeed, waxaa kamida, boobka hanti qarameedka dalka,
qaarajinta hal-doorka waddaniga, waxqabad-la’aan aada, ka-marnaanta
hal-kudhigyada waddaniga, ku-hadaaqa erayo dan u ah cadawga Soomaaliyeed,
dhaleecaynta halgankii iyo halyeyadii Soomaaliyeed, aadista iyo ku-noqnoqoshada
xarunta cadawga iyo iwm.
Sidaas darteed, magacaan la maldahayo waa mid loogu
adeegayo gumeystaha madow iyo jaalkiisa, waxaana oran lahaa markii magacaas la
qaawiyo wuxuu noqon karaa: Dammul Faasid loogu talagalay inuu halakeeyo ummadda Soomaaliyeed.
Haddaba, waxaa dadka Soomaaliyeed ee waxgaradka la gudboon inaysan ku dagmin kooxahaas leh hummaagga Soomaaliyeed, hase yeeshee ku hilan fikradaha gumeystaha manaxaanka. Waa in loo hawlgalaa sidii dalka looga badbaadin lahaa balaayadaas la soo abaabulay.