Saahid Qamaan oo gabyaagii
waaweynaa ee Soomaaliyeed ka mid ahaa, gabayadiisana xikmad, murti iyo aragti
dheer lagu yiqiin, baa gabaygaan madal shir lixaad lahaa ka dhex mariyey.
Shirkaas waxaa looga arrinsanayey arrin nin madaxdii tolka ka mid ahaa oo
lagaga cabanayey maamul xumo, caddaalad darro, cabsi gelin iyo cagajugleyn. Suldaankaas oo sida gabayga ka
muuqata, kalsoonidii iyo maamuuskii la siiyay kibir iyo madax kor-u-taag ka
qaaday, dadkiina markuu caddaalad-darro iyo sinnaan-la'aan ku maamulay, ayaa shirkaas duubkii madaxnimada lagaga xayuubiyey.
Qamaan wuxuu ka mid ahaa guddigii ninkaas arrintiisa loo saaray; go’aankiina
waxay ku sheegeen gabayo ay toddoba nin oo guddigii ka mid ahaa tiriyeen.
Gabayadaas oo dhammi waa isku
wada ujeeddo, hase yeeshee, xarafaha ayuun bay ku kala duwanaayeen. Gabaygu waxyaalaha uu muuujinayo
waxaa marka la soo koobo ka mid ah:
- In
sida qumman ee lagu dhaqmi karaa ay ku qotonto aqoon toosan, miyir, dulqaad iyo
deggenaan.
- Awooddeeda
inaan cidna ka tallaabsan karin, ruuxna wuxuu doono uusan maroorsi ku marsan
karin.
- In
dadka Soomaaliyeed iskaashi iyo wax-qaybsi weligoodba ku dhaqmi jireen.
- Caddaaladda
iyo sinnaanta inay Soomaalidu weligeedba hidde u lahaan jirtay.
Qamaan wuxuu isagoo saaxiibkiis Dubbad Hiirad oo guddiga ka mid ahaa gabayna arrinka ka tiriyey ku halqabsanaya, yidhi:
Qamaan wuxuu isagoo saaxiibkiis Dubbad Hiirad oo guddiga ka mid ahaa gabayna arrinka ka tiriyey ku halqabsanaya, yidhi:
Dubbadow nin maansada beryahan,
maadin baan ahaye
Way iga madoobeyd halkiyo,
maalintii Sirawe
Manjagooye siduu noogu dhacay,
maagistii dhigaye
Ha yeeshee haddaan maago waan,
maamiyaa gabaye
Murti iyo adaan kugu ogaa,
miigganaan hadale
Iga maqal hal aan xalay mirkacay,
ama la maansooday
Hadba waxa mudh soo oran adduun,
hal aannu moogeyne
Waatii shir laynagu makalay,
madansigii jaane
Maantana maxay noqon sidii,
Maxammed loo yaabye
Afartaa madkeeyeye sidii, macallin
maw sheegay
Mitan kalana waa wiilasheer,
maanka laga qaaday
…
Hadday sado macaan tahay ninkii,
maadiyaa cunaye
Nin mudmudey dharkayn hoosna
maray, muruxyey shaalleeye
Miyir waxaad ku weydaan iswaal,
ku ma mahiibtaane
Muslim ku ma cabiidsamo wallaan,
madaxa kaa goyne
Muggi weel ma dhaafo e Allow,
mooska yaan jebinin
Mitan kalena waa iniga iyo, mid
iska sheeggayga
Hadday muruqa geeduhu go’aan,
milayga jiilaala
Mahwiga ceel haddii loo kacoo,
maalku ku arooro
Mataan waa ka qaybsada tolkii,
midha wadaagaaye
Magansiin haddaan laygu siin, maax
la dhuranaayo
Inaan malab rag kale loo shushubi,
wax uga miideeyo
Oon meesha taagnahay anoon,
muradna leefeynin
Oon weliba mood iyo salaan, u la
maleegnaado
Oon maydhax aan igu xidhnayn,
mayllimo u qaato
Saddex magac Allee xaajadaa, layma
marinsiiyo
Masaw aabbahay iyo intaan, Magan
ka soo gaadhey
Rag waxaan ku maamuli aqaan, ama
ku maamuusi
Masa inaanu nahay oo tolnimo,
meerto noo tahaye
Oon weliba kaga miilcaddahay,
miidh-se diiddaniye
Masallaha ninkaan ii dhigayn,
midig ma saaraayo
Ninkii aniga iga maarmi kara, u ma
muraad yeesho
SHARRAXA
ERAYADA
1- Dubbad Hiirad: waa saaxiibkii, waana nin gabyi jiray.
2- Maadin: maagin, damcin, tirin, muujin.
3- Sirow: waa goob dagaal ka dhacay magaceed.
4- Manjagooye: waa dagaalka Sirow ka dhacay magiciisa.
5- Maamiyaa: tiriyaa, curiyaa.
6- Madansigii: goobtii.
7- Jaan: baas.
8- Makalay: diley, hodey.
9- Maxammed: Sayid Maxammed (maantana maxay noqon arrintu, nin baa sidii Sayed Maxammed soo baxaye).
10- Mitan: qodob, middaan iyada ah, hadal kale.
11- Sado: gibir ama canshuur saldano ama xoolo boqortooyada la siiyo.
12- Murud: in far dusheed lagu qaado.
XIGASHO:
Suugaanta Dugsiga Sare/Fasalka 3aad
Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta
Xafiiska Manaahijta
Muqdishow (1978)