QARANKA,
QOLODA IYO DIINTA
Xilliyadii
badnaa ee ummadda S/liyeed ku dhaqneyd dhulalkeeda, waxay arrimaheeda ku
maareyn jirtay xeerar aan inta badan qorneyn ee ahaa kuwo la isu meeriyo oo
wiilba abkiis ka dhaxlo. Xeerarkaasi waxay ahaayeen kuwo ku cukan xikmado iyo
waayo-aragnimo la aruurshay.
Diinta
islaanka oo waa hore soo gaartay geyiga S/liyeedna si wanaagsan bay u la
falgashay u lana dhaqantay. Dadka S/liyeed oo u yiil hab-beeleed ma laheyn xeer
guud oo wada kulmiya, balse qolo walba waxay laheyd xeerar u gaar ahaa. Meelaha
qaarna waxaa jiri jiray xeerar guud oo qabta tol guud oo jifooyin ku kulmaan.
In kastoo qolooyinku kale xeerar ahaayeen, haddana lagu ma kale fogeyn qodobbada
xeerarkaas waayo dadkoo dhan baa ahaa isku isir astaan walba wadaaga. Sidoo
kale beelahoo dhan baa ahaa kuwo duddo ah oo xiriirro dhaqan iyo dhiigba leh
joogto uga dhexeeyay. Waxay awoodeen beelahaasi inay noloshooda ku xasiliyaan
xeerarkaaas ay sameysteen. Haddii arrin ugub ahi soo korodho waxaa la is la
oggolaa in waxgarad ay u la baxeen Xeer-Beegti ay kabaan xeerarkii hore.
Sidaasna waxaa lagu heli jiray xeerar la socda waqtigii la joogaba. Ilaa
xilligaan la joogo, waxaa inta badan ka la haga qolooyinka S/liyeed xeerarkii
awoowayaasha sida xeerarka magta ama diyada oo si kastoo loo kale qoqobay
dadweynaha S/liyeed wali u ah gundhigga maareynta noloshiisa.
Soo-Faalalkii
dalalkii gumeystaha ahaa oo ku sandulleeyay dadkii S/liyeed xeerarkay wateen
waxay u keeneen dadkii S/liyeed arrimo ugub ah oo aan Xeerbeegtidii loo
oggolaan ku-kabista kuwoodii hore. Waxaa sidoo kale ahaa dawladihii reer guriga
ahaa oo iyaguna keenay xeerar aan lagu kabin kuwii dhaqanka loo lahaa. Waxaa la
is ku garab waday labadaas xeer oo midna la is la oggolaa, midna qasab ahaa.
Waxay
xeerarkaasi noqdeen kuwo mar walba is hardiya oo dhibaatooyin badan ka
yimaadaan. Waxaa tusaale ah; askari dawladeed baa hawlgal ku dilay nin. Qoladii
ninkii la dilay markay aqoonsato qolada askariga, waxay duqeydii kii la dilay iyagoo raacaya sidii ay ahaan jirtay u gogol dhigtaan qolodii askariga, iyagoo doonaya mag ama
qisaas. Markay qoladii askarigu ku dacwido in askari dawladeed dhibka geystay,
garowsho ku ma helaan, waayo xeerarkay is la oggolaayeen askariba ku ma jirin.
Waxaa
tusaale kale ah; waxaa dhaqan aheyd in raggoo idil yahay qooroole wada siman.
Haddii la dilo nin yar iyo nin weynna, ay isku mag ahaayeen. In kastoo ragga
qaar sida, isinka iyo abwaanku ay lahaayeen tixgelin gaara, haddana badi raggu
waa sinnaa. Waxaa marar badan dhacay in la dilo nin jago sare ka haya hababkii
dawladnimada sida; wasiir, agaasime, dhakhtar, injineer, sarkaal iwm. Kadib,
qoladii dhibbanuhu waxay ku qanci waayeen mag nin caadi ah ama inay u
qasaastaan ninkoodii midaan la darajo aheyn, dhinicii ka lana ka garaabi waayo,
waayo waxaan ku jirin xeerarkii soo jireenka ahaa jagooyinka cusub. Waxaa wali
ka socda S/liya in loogu aaro nin la dilay nimaan dhib geysan, loolase jeedo in
looga gamo’ kii hore loo dilay. Arrimahaasi waxay abuureen fidno aan la afmeeri
karin oo guurtidii qolooyinku siday u kale furdaamin laheyd garan weydo.
Dhanka
diinta islaanka oo S/lida soo gaartay is la qarnigay soo baxday una qaadatay hab
hal faham leh oo aan kale laheyn laamo, waxaa dhawaan soo kordhay mad-habo ama
dariiqooyin kale oo wata fasirro kale duwan oo waliba iyagii qudhoodu is burinaayaan
ama is jarayaanba. Diintii waayo badan qolooyinka S/liyeed u aheyd tixraaca ugu
dambeeya ama gabbaadka ugu dambeeya oo ay ku kale qancin jireen waxay noqotay
mid iyadii loo soo bandhigo hab cusub oo lagu wada qaloodo. Haddii dhambaalkii
diintu ahaa hab nabadeed iyo mid maanka dadka gasha, waxay maanta noqotay in
qofkii oo sheeganaya islaannimo lagu xukumo gaalnimo iyo madaxoo la jaro.
Aqoonyahankii
S/liyeed oo la rabay inuu is ku xiro ummaddiisa iyo nolosha waayahan dambe,
wuxuu duuduub u tufay hab-qoleedkii iyo xeerarkoodiiba wuxuuna ku tilmaamay
dib-u-dhac ay tahay in laga gudbo, haddana dadweynihii u ma keenin hab
dheellitiran oo ay fahmi karaan qolooyinku oo ay uga maarmaan kuwoodii hore. Si
yasid ku jirto buu aqoonyahan u la cabeebay aragtidiisa aan fal-tusaaleed dhab
ah laheyn. Wuxuu ku celceliyey, bal daya sida Waqooyiga Ameerika looga hormaray
amaba Reer Yurub u hormareen, bal daya sida dunida ilbaxa ahi u dhaqanto. Wuxuu
yiri oo yiri S/lida qabiilkaa dib u dhigay, qaran iyo qabiilna is ku meel ma
gali karaan. Waa su'aale, hadday S/lidu waligeed qolo-qolo aheyd, walina tahay qaran ma
noqon karto miyaa?
Maya,
iyadoo qabiillo ah bay qaran wanaagsan noqon kartaa. Hab-qoleedkana dambi uusan
galin baa dusha laga saarayaa. Madaxnimo-doonkii waalnaa iyo shahaadooyinkii la
eeday baa jaahwareerka keenaye, magaca koox dad ah oo reer hebel ah (qabiil) waxba ma
dhimin.
Odaygii
S/liyeed ee dhaqankiisa ku dhaadan jiray, qolo-diidnimadu ma gelin mana geli karin.
Wuxuu qabaa in qofkii sheegta S/li ay la ma huraan tahay inuu sheego qolada uu S/li
ka yahay. Wuxuu qabaa inaan gabadhiisu guursan karin nimaan qolodiisa S/liyeed
la aqoon oo aan waliba wadan odoyaal loo-qaateen ah oo marag fura.
Dhanka
kale, wadaadkii la yimid dariiqooyinka cusub, hab-qoleedkii soo ma dhaweyn, waayo
diintii qarniyaal badan lagu dhaqmaayey baa hadda gado cusub ka soo baxeen
sinnaba loo fahmi waa. Markii laga maagtay sidaasna waxay isu rogtay colaad iyo
dhiillooyin culus.
Waxaa
ka loo yimid isbeddello xoog leh oo ay keentay nolosha casriga ah. Waxaa
arrintaasi ku timid qolo kastoo S/liyeed. Waagii hore oo hab-qoleedka iyo
xeerarkiisa si fiican loogu dhaqmi jiray, waxay xubnaha qoladu ahaayeen kuwo wacyigood
siman yahay oo in la kale garaad roon yahay, ha joogtee, aan la kale aqoon
badnayn. Waxaa maanta dhacday in is la xubnihii qoladu kale aqoon bataan dhan
walba. Waxaa dhacday in xubno badan ku firiraan goonyaha dunida oo afaf iyo
aqoonno kale jaada yeeshaan, is la markaasna dhaqankii heybta wataan. Waxaa
maanta aad u adag in ilmo adeerradii inta shiraan is ku si wax u arkaan, is
lana jaan qaadaan. Haddii arrimahaani ugub noqdeenna xeerbeegtidii ku ma kabin
xeerarkii sooyaalka. Sidaas waxay keentay qolo-qolo ha joogtee, inaan jifadii
hoose laheyn hannaan ay is ku fahanto.
Waxgaradkii
ama guurtidii ku hawlnaan jiray xeeraynta arrimuha oo si weyn loo cadaadiyay
waxay gabeen inay xitaa kabmihii dhaqanka ahaa sameeyaan. Maanta xeerarka lagu
socdaa waa kuwii duugga ahaa oo aan indhawaalaba la kabin.
Sidee
habbooneyd?
Waxaa
aheyd in aqoonyahanka guud iyo kuwii hoggaanada dawladeed wadayba ay u
kuurgalaan dhaqammadii ummaddooda, cilmibaaris xoogganna sameeyaan, ka-dibna u
hawlgalaan siday xeerarkii beelaha u mideyn lahaayeen, si markaas ay u noqdaan
xeerar qaranka iyo qoladuba ku dhaqmi karaan, noqdaanna kuwo dhinac walba uu
ansixiyo. Jid maaheyn in la dumiyo tiirarkii ay ummaddu qarniyaal ku soo
moodday lagana dhigo waxaan jirin, laguna magmakeeyo kuwa ugub ah oo in la
qaate daaye aan la is la fahminba.
Dhanka
diinta oo waayahan dhib weyn ka jiro, waxay aheyd in wadaadka cusub oo
fasiraadda cusub la yimid uu ku ekaado dacwada dhambbaalladiisa . Daw maaheyn
in diintii nabadda ku timid qarnigii 7-aad oo si fiican loo rumeeyay loo rogo
xoog qarnigii 20-aad iyo 21-aad. Haddii kitaabbadii wadaaddadii bateenna maaheyn
inay isku laayaan, ummaddiina ku rogaan ee waxay aheyd haddayba midoobi waayeen
in sida meelo badan oo dunida islaanka ka mid ah ka jirta ay is nabad geshaan,
isna xurmeeyaan, is la markaasna si cilmeysan wax u qaadaa-dhigaan, wanaagna wax
ku toociyaan, dadkana dhaqanka ay la rabaan waxbaris ku gaarsiiyaan. Jid
maaheyn in goonyaha dalkoo dhan magaca diinta ku ololiyaan, dadkana lagu jaro
waxaan ka dhaadhicin iyo xukun ku qotoma faham qofeed ama kooxeed. Xubnaha
Shacab weynaha ee gala dambi, waxay aheyd in lagu ciqaabo xeer guud oo loo
qaayibay dalkoo dhan ee maaheyn in lagu ciqaabo aragti-kooxeed, ha ahaato mid
diimeed ama ha ahaato mid ku socota xeerar dhigaal ahe.
Falalaka
xoogagga magaca diinta ku loollamayaa ay ummadda la dhex rooreen qaarkood waxay
noqdeen kuwo maanka qofka caadiga ah aan geli karin. Waxay noqdeen kuwo nuxurka
diinta lagu garan waayey. Waxaa waxyaabaha yaabka leh kamid ah: waxaa
la wada ogyahay in dadweynaha S/liyeed badidi uu maanta ku nool yahay tuugsi
iyo wax gacanta looga taago. Dadkii oo saas iyo silic kaloo badan ku nool, ma
dawbaa nin xabbad rootiya ama saxan bariis ah xaday, lug iyo gacan isdhaafa la
jaro? Sow diintu maaheyn tii u oggolaatay insaanka inuu naftiisa ku badbaadiyo
wax kastoo hore xaaraan u ahaa?
Waxaa
kaloo tusaale ah: waxay 17-kii bishii 10-aad, 2009-kii waxay wakaaladda wararka ee Roytar warisay gabar lagu jeedlay
Naaso-Toosiye (Bra.) ay xirneyd, markii la baarayeyna wuxuu wadaadkii afka
duubnaa ku yiri gabadhii naasaha rux. Xaggee diinta uga taal nin gabar ajanabi
ka ah inta hor istaaga ku leh naasaha rux? Xaggeese lagu xarrimay
Naaso-toosiye?
Waxaa
cad in kooxaha diiniga ah ee u halgamaya inay shareecada islaanka ka hirgaliyaan
S/liya aysan distoor ahaan iyo garaad ahaanba u diyaarsaneyn inay dalka
xukumaan, waayo hadday yihiin wadaaddo xagga diinta ka dhisan, waxay muujin
lahaayeen, sida arrimuhu u kale horreeyaan. Iyadoo dilkii, dhacii, gaajadii, qaxii,
cudurradii iyo colalkii dadkii si joogta ah u halakeynayaan, ku ma ay
mashquuleen naasaha hablaha iyo hagooggooda. Ku ma ay mashquuleen garka iyo labiska
ragga. Addimada may jareen qof laga yaabo inuu waayey wuxuu ku quudin lahaa
dhallaankiisa ama naftiisa.
Falalkaas
yaabka leh ee ka yimid wadaaddii tusaalaha suubban u ahaan lahaa ummadda waxay
keenayaan: in dadweynuhu ka shakiyo samo iyo xumaba wixii
wadaad wado, ka dibna sidaas diintii looga fogaado. Waxaa afar geed ka sii
boodi doona, kii diin kale haystay oo u soo hanqal taagahayey rumeynta
islaanka. Waxay dhaqammada muuqda ee wadaaddadu fogeynayaan rajadoodii aheyd in
dalka diinta lagu xukumo.
Gunaanad
Doodda
qoraalkaani maaha in fadhiid la ahaado oo lagu ekaado siyaalihii hore kaliya ee
dooddu waa in la isku xiro xeerarkii hore iyo kuwo laga ma maarmaanka ah ee
dambe. Si sidaas loo gaarana waxaa habbooneyd, walina habboon inay wada
hawlgalaan culimada diinta, aqoonyahannada iyo abyaqaannadii soo-jireenka ahaa,
si cilmeyan oo aan turxaan laheynna loo wada shaqeeyo. Waxaa sidaas lagu gaari
karaa is tixgelin, isu kagsasho iyo daacidnimo.
Kan
markii dood timaaddaba ku gudba ma diintii Allaa la diiddan yahay? Waxaa
oran lahaa; diintu sideedaba danaha dadkaa loo soo rogay, mar haddaysan danaha
dadku ku jirinna diinba maaha. Waxaa dadka caqliga loo siiyay inuu wax ku
rogrogo ee la ma farin inuu sidii qof waalan hal meel ku dhaygago.
Ilaahay wax ma qalqalloociyee, waa toosiye
tubta wanaagsan tilmaama. Ilaahay
waa ka-maarme hodan ah, ee aadanahaa ah sabool dheef doon badan. Ilaahay ma
jawrfalo ee aadanahaa ah, xadgudbe gar daran. Ilaahay waa naxariiste garaad
badan ee aadanahaa ah maanyare lur badan. Ilaahay waa qummane aan gafin, ee
aadanahaa ah dhagarlow dusmo badan. Ilaahay waa garsoore sare ee aadanahaa ah,
macangag eexasho badan. Ilaahay waa baarri dulqaatee, aadanahaa ah looyaan
naxariis daran. Ilaahay waa dheefiye waxsan qaybiyee aadanahaa ah, dhuungooye
kaligi doon ah. Ilaahay waa boqor mudan, ee aadanaha ah marooqsade marin xun.
Ilaahay waa awoodle weyn, ee aadanahaa ah widwidle waxtar yar. Ilaahay waa
jaangooye sugane, aadanahaa ah jaamoole garaad janjeera. Ilaahay waa La ma-Maseeye
aan lala sinnaan karine, aadanahaa ah is-maldahe meermeerin badan.