Horraantii
1980-aadkii oo uu talada Dalka Soomaaliya hayay Taliskii Kacaanka ee M S Barre
hoggaaminaayay, waxaa Soomaaliya ka abuurmay ururro kadhan ahaa xukuumaddii
markaas jirtay, waxayna dhammaantood saldhig ka dhigteen oo hiil iyo hooba ka
heleen Itoobiya oo waligeed ahayd cadawgii Soomaaliyeed ee soojireenka ahaa.
Haddaba
maalin maalmaha kamida ayaa qoys reer miyi ah oo geeddi ahaa, kana koobnaa 10
carruur ah, aabbe iyo hooyo, iska hor yimaadeen 3 nin oo socoto ahaa, isla markaasna ahaa dooxato ka socota jabhad la yagleelay waayahaas. Sidii
dhaqanka raacatadu ahaa waxay raggii waraysi u la istaageen odeygii reerkii
geeddiga ahaa. Waxay is waraystaanba ninkii reerku wuxuu fahmay in ragga
waraysanayaa col yihiin oo aysan markaas bixinayn xubnaha qoladiisa. Sidaas
darteed, wuxuu yiri sidaan: ilma adeerrow, hantidaydu waa 50 neef oo ari ah iyo
labadaas rati oo mid ilmuhu saaran yihiin, midna maqashu saaran tahay, ninkaad
rabtaan inaad ii aanaysaan i ma oga anna wax ka ma ogiye, ha i dilina tobankaas
carruura aan u shaqeeyee. Ninkii sidaas u calaacalay goobtii baa lagu dilay.
Nin kamid ahaa raggii dilkaas arxandarrada ahaa geystay baa warkaas laga soo
tebiyay waayo dambe, isagoo leh; wax kasta oo aan soo maray, taas baa iigu darnayd, walina
maskaxdayda ka bi’ la'.
Laga
soo bilaabo waayahaas sheekadaani ku beegan tahay, waxaa si joogto ah ugu
baahaayay Soomaali idilkeed colaado, markii dambe horseeday burburintii qaranka
Soomaaliyeed iyo qalalaasaha ilaa maanta dami la’. Intay colaadahaasi socdeen
waxay koox walba oo hubka u qaadday burburintii dawladdii Soomaaliyeed, weerarro
ba’an ku qaadday Qabiilka Marreexaan, waxayna xubnaha qabiilkaas ku sameeyeen
xasuuqyo badan. Kooxahaas oo dhammaantood sheegtay inay xoraynayaan Soomaaliya,
waxay colaadday u qabeen M S Barre u aaneeyeen geeljirihii Marreexaan ee
hawdadka ku dhaqnaa, waxayna gayeysiiyeen beelo badan oo tolkaasa dagalkac
ballaaran, waxayna kuwo badan ka
dhawreen wiil iyo waxadba.
Dhanka
kale, waxay jabhadihii burburintu iyo kuwii taageersanaa fidiyeen dicaayado
lagu waxyeellay-naayo Tolka Marreexaan, iyagoo ka dhigaayay inay dawladdii
Soomaaliyeed sideedaba ahayd qoladaas, wax walbana iyadu mas’uul ka ahayd. Dicaayadahaas
oo aad u xoog badnaa, waxay halkudhigyo ka dhigteen erayo sida, Waa Muslim iyo
Marreexaan, Marreexaankii Raamaha Lahaa, Reer Walba U Tali, iwm. In kastoo
dicyaadahaas loo la dan lahaa burburintii dawladda, haddana waxay si toosa
dhibaatooyin lixaad leh u geysteen tolka kor ku sheeggan. Waxaa ololayaashii
jabhadihii burburinta gadaal ka riixaayay cadawgii Soomaaliyeed ee soojireenka
ahaa iyo jaalleyaashiis, waxayna ujeeddadu ahayd in gebi ahaanba la baabi’yo
dawladnimadii Soomaaliyeed. Markii ujeeddooyinkii burburintu hirgaleen, waxaa
halkii ka sii socday colaadihii kadhanka ahaa Marreexaanka, waxayna jabhadihii halkii ka sii wadeen weerarradii
kadhankaa qolada aan ka hadlaynno, waana la wada og yahay weerradii lixaadka
lahaa ee 1990-aadkii lagu qaaday degaannadii Marreexaanka. Isla waayahaas baa
shirweyne lagu qabtay Jibuuti, kaas oo loo diiday in xubno ka tirsan Marreexaanka ay ka qeybgalaan shirweynaha sidii iyagoo ah dadaan dalkaba u dhalan, waxayna siyaasiintii halkaas ku shirtay si wadara ugu heshiiyeen in; M S Barre iyo taageerayaashiisa dagaal loo dhan yahay lagu qaado
dalkana laga saaro. Taas oo macnaheedu ahaa in Marreexaan la gumaado oo dalka
sidii duul shisheeye ah laga saaro.
Maantadaan
la joogo waxaad mooddaa, inaysan colaadihii ka dhanka ahaa Marreexaan aysan
dhammaan, waxaana daliil u ah;
- Waayahaan dambe, marka la xusaayo qoristii Afka Soomaaliga, waxaa aad loo bogaadiyaa qoristii afka, waxaana lagu sheegaa inay ahayd tillaabo fiican oo mudan in la xusuusnaado, hase yeeshee, waxaa dadka hadlaa afafkooda ka dhawraan inay xusaan raggii hormoodka ka ahaa fikradda fartii la qoray iyo kuwii hirgelinteeda horseedka ka ahaa, waxaana afka laga duwayaa; Shire Jaamac Juge (halabuurkii farta la qoray) iyo M S Barre oo hoggaamiye ka ahaa kacaankii hirgeliyay farta.
- Waayahaan dambe, marka la xusaayo qoristii Afka Soomaaliga, waxaa aad loo bogaadiyaa qoristii afka, waxaana lagu sheegaa inay ahayd tillaabo fiican oo mudan in la xusuusnaado, hase yeeshee, waxaa dadka hadlaa afafkooda ka dhawraan inay xusaan raggii hormoodka ka ahaa fikradda fartii la qoray iyo kuwii hirgelinteeda horseedka ka ahaa, waxaana afka laga duwayaa; Shire Jaamac Juge (halabuurkii farta la qoray) iyo M S Barre oo hoggaamiye ka ahaa kacaankii hirgeliyay farta.
-
Madaxweynaha Kenya ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ciidammadiisii
lagu jaray degmada Ceelcadde ay gacan ku lahayd Qolada Marreexaan. Marka uu
sidaas leeyahay wax caddayna oo la tixraaci karo ma sheegin, baaritaan
dhammaystiran oo loo qaateenana la ma samayn. Arrinkaan dambe, waxaa ku maldahan
halis weyn, waayo wuxuu marka horaba Marreexaan ka dhigay sidii al-Qaacidadii al-Shabaab
la bahowday, sidaas darteedna ay noqonayso in qabiilkaas dunida carrabka ku
haysa argagixisadu wadajir u la dagaallanto.
-
Madaxweynihii dalku wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo dhacdooyinkii
lagu waxyeellay-naayay qabiilka aan hadal haynno, iyadoo aamuska sidiisaba loo
qaato ka-raalli-noqosho. Waxaa kaloo loo qaadan karaa inay dhab tahay tuhmadii
in madaxweynuhu markii horaba xubin ka ahaa jabhadihii burburinta oo
dagaalladii ba’naa ku qaaday qolada aan ka soo hadalnay, karti-la'aantana ay u heliso laabta oo jirran.
- Eebbow
geyiga oo dhan waa , nalaga guulaaye
Waa noo gedleeyaan dadkii, gaalada ahaaye
Eebbow Giriig kolay ku tahay, nala gamuunneeye
- Go'na laga ma qaadine dulmay, nagu
gelaayaane
Gabbaad kale hadday noo helaan, waan gam'i lahaaye
Eebbow waxay nagu garbeen, diinta soo gala e
- Eebbow gadhka haddaan qabsaday, gaaxshe
nabaddiiye
Eebbow gammaan iyo waxaan, gini cas dhiibaayey
Eebbow garow kaga ma helin, goolashaan wadaye
- Eebbow
goonji weyn iyo xaqbay, naga gullaafteene
Guullow ma helayaan waxay, nagu gubaayaane
Eebbow waxay naga gogtaan, waa galoof olole
- Eebbow sidii guun haween, giidu waa aniye
Eebbow nin goba baan ahoo, guni rifaysaaye
Eebbow waxaa noo gurmaday, gaaya alifleeye
- Ma garaysni Eebbow waxaa, guufanneyska
ahe
Eebbow gabooddii dorraad, waan ka gar-Allayne
Eebbow markaan geyllamey, guulmiyo baqiye
- Eebbow guddoonkii sharciga, gooye
bahashiiye
Eebbow kufriga gedeftaley, gacanta haystaane
Eebow anaa kugu gar lehe, guusha hay seejin.
(Sayid Max'd Cabdille Xasan "AUN")
(Sayid Max'd Cabdille Xasan "AUN")