Mar
haddii col shisheeye ah kugu soo duulay oo uu gumaadaayo dadkaagii iyo
duunyadaadii. Mar haddaad cod iyo cudud kuu hiilliya ka weyday
dawlad-u-yaalkaad ka tirsanayd, mid guud iyo mid gaar ahaaneedba. Mar haddaad
ka weyday dareen damqada intii badnayd isirkaagii. Mar haddaad dunidii, markay
doonto qeylin jirtay ka weyday in yar oo dirgasho ah, maxaa Gedooy ku la
gudboon?
- Waxaa ku la gudboon inaadan u caban ama u calaacalin mid ama koox
aan kaa diirnaxayn ama iski/iskeed u candadowlan oo cidladu dhaanto.
- Waxaa ku la gudboon inaad garato awoodihii adiga iyo isirkaaba
dhibabka u horseeday, haddana wali ku hawllan dibindaabyeyn-taada.
- Waxaa ku la gudboon inaad fahamto casharrada taariiikhda, waayo
haddaan la fahmin taas, la ma fahmi karo waxa kolkaas taagan, la mana saadaalin karo
waxyaalaha soo aaddan. Haddaad wax ka garato sooyaalka dalkaaga, waxaad garan
doontaa dhibabka maanta jira halkay ka soo fufeen iyo xoogaggii maleegay,
markaas kadib isu ma bihinbihin doontid kuwii duullayntaada u heellanaa, walina
u heellan.
- Waxaa ku la gudboon inaad garato in maanta dalkaagu uusan xor
ahayn, dawlad qummanna lahayn, sidaas
darteedna ay tahay inaad labo ka la doorato; inaad qaayibto gumaysiga oo la
dhaqanto xoogagga gumaynta iyo inaad isu abaabusho inaad is xorayso. Haddii aad
tan hore doorato, waa inaad is dabcisaa oo aad madaxadaygga joojisaa, dantana u
qumisaa kuwa ku gumaysanaaya. Haddii aad tan dambe doorato, waa inaad u dhaqantaa
sidii ay u dhaqmi jireen xoogaggii gobonnimo-doonka ahaa ee dunida soo maray.
Dadyowga xornimada u halgamaa waxay leeyihiin han sarreeya, waxayna ka gudbaan
danaysi qofeedka iyo waxyaalaha aan waxtar guud u lahayn ummaddooda. Halganka
dhabta maahan mid muluqmuluq iyo meelo-ka-qeylin lagu gaaro, ee waa mid cannaab
badan oo u baahan in loo huro wax badan. Halganka dhabta ahi wuxuu qaataa waqti
dheer, wuxuuna rabaa adadayg iyo inaan marna laga leexan waddada dheer ee
yoolka fog lagu gaaraayo.
- Waxaa ku la gudboon inaad ogaato, haddii aadan
yeelan maamul, kaladambayn iyo hoggaan fiican, inaadan naftaada iyo mid kale
toona wax tari doonin. Haddii aad aruuriso awooddaada oo aad si habaysan u
hawlgasho, waxaa hubaal ah inaad cadawgaaga iska difaaci doontid, dalkaaga iyo
dadkiisana wax weyn tari doonto. Haddii aadan gudahaaga ka abaabulin
kaladambayn, is-tixgelin iyo ku-midaysnaanta danta guud, waxaa hubaal ah in
liidashadaada lagugu haadsan doono, dadkaaguna silic iyo saxariir ka dhargi
doono.
Kala-qeybsanaan iyo qadannimo la isku ma helo