BAROORTII HOOYADEEN!
4tii bishii Mey 2008da baan ka dhegeystay
warsidaha BBC/da war quduro iyo qalbi xanuun leh, war dhiillo iyo dhakafaar
leh, war uurkutaallo iyo iin dambe leh, war amakaag iyo argagax leh.
Waxaa la wariyey hooyo ka hagaagi weyday meel ka
mida xeebaha Yeman ka dib, markii lagu waayey seddex carruura oo ay dhashay iyo
wedeygeedii nolosha badda. Waxaa kaloo la wariyey in markii ay ka samri weyday
sugaalkii kuway ku ildoogsan jirtay la siiyey kiniiniga hurdada si meesha looga
wado. Sheekada hooyadaan mixnaddu ku dhacday waxay la xiriirta dadka S/liyeed
ee sida joogtada uga qaxa dalkeennii mar ahaa agaagsaha ee loo rogay cadaabtii
ifka. Malaha markay hooyada sheekadaani weyday habkii dhallaankeeda ay ku
anqarin laheyd ama ay kala cabsatay holaca baaruudda iyo hanqarka madfaca, bay
istiri badbaadi ilwaaddii naftaada.
Hooyo waa tii uurkeeda aan ku wada abuurannay. Waa
tii sannad dhawaadkii nagu wadday ilma-sidaheeda, ka dibna na fuulisay
guradeeda ilaa intaan ka gaamurno oo addimadeenna ku soconno. Waa tii na
jaqsiisay naaseheeda oo naga quudisay dhacaankeeda. Waa tii na huwisay oo
oogadeenna ka dhawrtay dhaxan iyo kuleylba. Waa tii nagu dallaamlimeysay
naxariisteeda. Waa tii goorey tahayba aan ka daalin xannaanadeenna. Waa tii na
hadaaq bartay oo horseedday inaan aftahanno noqonno. Waa tii afyaalka u aheyd
waa noolba danaheenna. Hooyadaas lagu gabawaray xeebaha Yemanna idilkeen waa
hooyadeen, waayo hooyo waa hooyo.
Doonni xorxosh ah oo heeraab iyo shaamaan liita
leh baa bad-dhac qaalley ah ku dhoobay walaalaheen iyo hooyadeen oo wehelisa.
Waxay ka baaryoontay qoolaabkii burcadda badda, waxaana lagu dawiyey badweynta
qowjadda ah ee hirarka qamaamaye leh. Intay kawiriyeen bay goor hameynkii
seddex dalool tagay oo gudcur ah, daruurihii roobna guulaameynayaan, cirkuna
karaar hoorayo, mawjaduhuna is hardinayaan, xiiskuna xawli-dhaaf yahay,
doontiina daaladhacayso oo dalanbaabi tahay, baa badmaaxdii habaarneyd ku
karkabeeyeen hooyadeen iyo walaalaheen inay ku hoobtaan baddii hinraageysay.
Kii yare dhasiigana waxaa lagu boobay baadadka qoryaha. Waxaa walaalaheen la
tagay maskar waalan, aseebe iyo shaqaawis. Waxay hooyadeen abbaanow tiri eydii
badda ee aynabtay gacalkeen oo aan jimica laheyn. Waxay walaalaheen haatan la
daris yihiin tammaanta, lajiga iyo cangleesha. Waxay hooyadeen oo murduxan
habsatay xeebtii ay ku taallay Xeradii Jaxiima ee jahannamadii Xamar dhaantay.
Waxay laba gardeymooneysay baddii bulxameysay iyadoo gawnaxyada buureysa oo
ilmadu gobo’ leedahay, geestay daydaba waxay isha guluc lihi ka goobeysay
gurboodkeedii aakhiro u guuray. Maxay galabsatay hooyadeen oo guuldarrooyinkaas
loo baday?
Cidna gashi kamey qabin ee dugaalkeedii baa dab la
geliyey, dhulkeedii durdurka ahaana waa la dowriyay. Waxaa hore loo dumiyay
dawladdii u aheyd dalaalnimada. Waxaa dalkeedii oo idil gaalaabaxay balaayo
duulaysa oo waxay aragtaba dajineysa. Waxaa dalkeedii looga soo duulay dul iyo
hoosba. Waxaa dukundaakun laga dhigay dad iyo dunqaaraba wixii noolaa. Waxaa
daleel walba la waray hadba kii door ahaa, wuxuuna diricii noqday mid lagu
diimo. Waxaa doc walba arladii diinnaaheyay sawaab dardaran oo qorigu u yahay
awoodda uu ku daneysto. Deris iyo xigaalaba dadkii wuxuu u dillaamay dibadaha
iyo dalal qalaad, waxayna daltabyo ku haysaa dacallada dunidoo idil. Diiftaas
saabatay dalkii hooyo waxaa loogu dawgalay dawdarro aan diihaalka xoogga iyo
hungurigu uusan damaheyn.
Waxaa loogu dawgalay ardallo doobbada qabiilku u
tahay dallacaad iyo derajo. Waxaa loogu dawgalay Aw doqona oo dardaran oo garaadkiisa dalleensan iyo damaciisa adduun
ku daboolaya diinta oo daw u sameystay dilka iyo deli-ka-tuurka danyarta uu
daashaday qaska iyo qalalaasuhu. Dufowgaas wada gaaray dalkii hooyo baa
hooyadeenna sheekadaanna ku dirqiyey inay dallaabto oo badaha ka tallowdo.
Wayse ku dabrowday oo ku durriyad wayday, wana taas deexda yuurudha oo ilmadu
da’ayso!