Friday, November 16, 2012

Cali-Geri Aboodiga Ku Lalay

Allaha ha u naxariistee Sayid Max'd Cabdulle Xasan wuxuu ahaa halyey gabyaa ah. Intaan dhex xulay gabayadii tayada iyo tiradaba lahaa ee Sayidka waxaa ilaa cuslaa gabaygaan hoos ku xusan waa markii laga eego xagga erayda. Wuxuu gabaygu muujinayaa siduu u ahaa Sayidku afmaal heerka kowaad ah. Gabaygaani wuxuu si gaar ahaaneed u falanqaynayaa siyaalo geela la xiriira:

  • Afka bari ishaa bogox intii, arar Nugaaleede
  • Illiilaha bannaan iyo intii, edegga Ciideeda
  • Axad kagama sii hadhin wixii, uduba oo yiile
  • Cali-Geri aboodiga ku lalay, abax ka sooryooye
  • Iqliil weeye maran qayradii, oomanta ahayde
  • Afar iyo afqaaqlaa ku dhacay, araxya weyntiiye
  • Ifku ka ma belbelo tuurihii, oollinka ahaaye
  • Meeshuu abuurnimo fadhiyay, laga alaab qaadye
  • Hawdkii ugbaadsaday, horweyn ku ma ilaashaane
  • U ma ooho geeyaan markii, aarankii lumo e
  • Shisheeyaha araarimaha yaal, ku ma ugaayaane
  • Eegida korjooguhu cishaha, soo ma oriyaane
  • Xerya-gaallo laysaga ag dhigay, u ma adkeeyaane
  • Irridaha markii aasku dumo, ku ma afuufaane
  • Ibdarka iyo dhawrtada ratiban, ugar ma siiyaane
  • Ardaayada golaa ka la rogrogan, u ma asteeyaane
  • Uleexida haleelada tircayn, il u ma gooyaane
  • Aar saydha oonyaha gudgude, ubuc dugaag jeexa
  • Ilkaha horor abeesada qallici, halaq uraa leeb ah
  • Ulbis-tuug anaaniga dayaca, alabas jeeraanta
  • Eynaafka baadida tagtow, adadac buubaalka
  • Abid maqan intaha raadiskay, axal ku duugowday
  • Akhbaar raadis urur naadinteed, idan ku-yaahaynta
  • Ambaqaadka taa u ma ekayn, aniga hay saarin
  • Summad-awdka sowraca ankira, eedda iyo dhaarta
  • Asaraarka eexada denbiga, shiru aguugyenta
  • Guudaan amnaca shiil armaca, luqun inaatowga
  • Inqiis naas ah iin carar-jidow, Gudur ufaayowga
  • Ubad jala abaah baaqatiyo, dhicis amuurrayska
  • Amaankow gondood eel-ragaad, arami naafowga
  • Amaan-guud anaashiga dhukaan, axadh xaraarowga
  • Uhda dhugato roor ababa'leyn,  ol iyo geelgaalka
  • Alle-qabe kud eertaa qadhqadhi, shillin aseebaaga
  • Aafaa samaawiga Allow, naga ammaneynso
  • Aammiin ma buuraan intay, duco alliifaane
  • Ku ma adurdhabaan baarqabbadu, abasaxeediiye
  • Shinbiruhu markuu doob onkodo, ma awanaayaane
  • Abeerrada tifrimay goojadii, la ma amaaraane
  • Qorraxdoo abbaar le'eg markii, oodda laga jiido
  • Kolkii kuraydu eyrada hayeey, kala aqoolmeyso
  • Ulaha ku ma boobaan intay, tira abyoodaane
  • Kobtii shalay irmaanku ugu baxay, alaladii fooca
  • Arbaxaale goortay tagtoo, aayaddeed dheregto
  • Amminkii la barqa maali jiray, ma arrumaayaane
  • Eydaarteeda oo fool la dhici, ma antaweershaane
  • Goortay ummuliyaan murkaha, ka ma abeeyaane
  • Abur xoor leh ka ma soo lisaan, ibagaleenkiiye
  • Masaakiinta agaheeda tuban, ma ajareystaane
  • Unuun u ma jaraan qaalmihii, eyddinka ahaaye
  • Cayuuntaan ilmaha loo dhigayn, kama uneexaane
  • Waxay abaxa gosysaba markay, ohin carraabayso
  • Afdhuubyaalaheedii durduro, ma amba-qaadaane
  • Sidii ay iblays tahay xuruun, ma umbulleeyaane
  • Jiilaal aleel ka cad hadday,  acabtin dooneyso
  • Markay uudka kore laasatiyo, abaqa baarkiisa
  • Iyadoo idiin ka cas markay,  oon la soo degato
  • Intay yeel aslaan ceelashii, u ma aroorshaane
  • Awaliinka ka ma soo shubaan, ilaha Caymeede
  • Alalaaska heestii darkii, ku ma olkeeyaane
  • Awr qaana iyo gool ahmiya, ma aldaxeeyaane
  • Abidkoodba ka ma sooryadaan, alaxa caanoode
  • Niman baa uquun kagala tegay, ilindidoodiiye
  • Eebyaha ma soo rogan markii, ibilku tuurraaye
  • Anaa Eegiyey dhicin lahaa, idan Ilaahaye
  • Wax arsaa' ilkood galay markay, Ferenji aadaane


Erayda; 
1- Bogox: dhanka galbeed
2- Arar: gogoldhig; daaqa xoolaha la soo daajiyo intaan la waraabin. 
3- Aboodi: waa haad weyn oo baalasha geesahooda iyo luguhuba guduudan yihiin.
4- Qayro: duddo; beel; dagalka shinnida.
5- Afar iyo Afqaaqle: jabka gaara labo shaxaysa midkood.
6- Oollinka: meesha la daggan yahay.
7- Araarimaha: hareeraha; geesaha.
8- Ugaayaane: ku-kululayn; diirin.
9- Xeryo-Gaallo: xeryaha geela.
10- Ibdarka: caano la isku dardaray.
11- Ugar: miskiin; aan waxba haysan.
12- Uleexida: qunyar-u-socodka. Haleelada ama hasha dhawaan dhashay waxay u socotaa si gaabis ah oo ay ugu turayso ilmaheeda socod-baradka
13- Tircayn: socod tabar yar sida tan ilmaha dhawaanta dhashay. 
14- Ulbis tuug: tuug ulle ah oo hal ama ka badan xada.
15- Eynaafka: waayitaan; heliwaa.
16- Axal: xilli u dhexeeya ximirka iyo xayska.
17- Intaha: dhammaaday; la dhaafay waqtigiisii.
18- Yaahaynta; naadinta; yaboohinta; weyddiin joogto ah.
19- Sowrac: asal; ka soo jeeda.
20- Aguugeyn: abaabulid; qabanqaabin; diyaarin.
21- Inqiis; yaraansho; gurmid.
22- Carar-jidow: cudur ibaha naasaha gala.
23- Gudur: hilibka geela kiisa adag.
24- Ufaayow: xumaaday; qurmay.
25- Ubad jala: ilmo aq ah ama la ildaran baahi/oon.
26- Dhicis Ammuureyska: ilmo aan shin ku dhalan sida laga yeelaayo.
27- Ol:
28- Geelgaal: waabaayo halis ah.
29- Adurdhab: awrtu markay qooq dartiis afka abuur ka keento.
30- Awanaayaan: markay shinbiruhu hal mar wada dhawaaqaan.
31- Amaaraan: luudaan; aayar socdaan.
33- Alalad: ku-riyood; qaraw; kal-kuhayn.
34- Arbaxaale: balli u ogog leh Buuhoodle
35- Aayaddeed: itaalkeed; awooddeed.
36- Antawaarshaan: celceliyaan; waabwaabiyaan.
37- Murkaha: biraha; toobkaha; haruub-gaalka.
38- Unuun: kur; madax
39- Eyddin: geela jaadadkiisa mid ka mid ah.
40- uneexaan: kama gurtaan; wuxuu ula jeedaa kama qalaan.
41- Umbulleyn: qaababka geelu u ordo mid ka mid ah siiba qaalmaha.
42- Acabtin: cabitaan; waraabasho.
43- Uudka: doogga; naqa
44- Idiin: harag la magdiyay; maas.
45- Abaqa: abqada; miraha quraca iyo geedo kale; geydhe.
46- Olkeyn: orin; heesid.
47- Awr qaana: qaalmaha awrta.
48- Uquun: inkaar-galabsi; cuqubo.
49- Ilindi: wuxuu u jeedaa geela
50-Eebyaha; warmaha
51- Ibilka: geela
52- Eegiyey: hal magaceed.  

F.G: In kasta oo aan ku dadaalnay inaan helno erayada macnahooda haddana waa suurtogal inaan meelaha qaar  qalloocinnay ama gefnay, sidaas darteed toosin iyo turxaanbixinba waa furan yihiin.

No comments:

Post a Comment