Thursday, June 18, 2020

Midnimada Qaranka Soomaaliyeed


Marka erayga qaran (nation: القومية) macnihiisa laga eego qaamuuska waa: dadweyne isaga mida isir, dhaqan, ama af, oo deggan dhul ama dal gaara. Sidaas darteed, qaran waa dadkee dalka maaha, qaranimaduna (nationalism) waa jaceylka dadkaas loo muujiyo ama halganka loo galo dantiisa.
Dal (state: دولة) waa aag ay deggan tahay bulsho siyaasaddeedu habaysan tahay oo uu maamulo hal talis (xukuumad: government: حكومة). Taliska/xukuumadda waa xubno loo xulo maamulka dalkee iyagu maaha dalka (dawladda: the state). Qeybaha dadweynaha kamida ee ka hor yimaada xukumaddu ama loogu yeero mucaarad, hadday waxyeello u geystaan dadweynaha/qaranka ama dalka, waxaa lagu sifeeyaa; qaran-dumisyo, waana siday u dhaqmeen ururradii Soomaaliyeed ee hubeysnaa oo soo bilawday 1970-aadkii. Kuwaas waxay ka siinnaayeen: baabi’intii kaabiyaashii dalka/dawladda, xasuuqa xubno badan oo qarankii in la dhawro ahaa, kala-qeybinta dadweynaha, kaashigii cadawgii Soomaaliyeed ee soojireenka ahaa, iyo la’aanta barnaamij siyaasadeed oo midaysan.

 Sidaas darteed, kuwaas horseedka u noqday burburintii dawladnimadii Soomaaliyeed in yar oo wanaag ah ka ma dheefin qaranka Soomaaliyeed, balse waxay reeban eel ilaa maanta laga bogsoon la’ yahay. Tusaale ahaan aan u soo qaadanno Ururkii SNM iyo eel kuu reebay ururkaasi. Wuxuu sidii ururradii kalaba ku salaysnaa hal qabiil, wuxuuse uga duwanaa kuwii kale, wuxuu rabay in qeybihii qolodiisu degganayd ka gooyo dalka intiisa kale. Dadweynihii kale ee la degganaa Gobolladii Waqooyiga Soomaaliya Ururkii SNM wuu ku maxaabsaday oo wuxuu ka dhigay kuwo qabiilkooda hoos jooga, go’aannadoodana ku qasban.

 In kastoo xubno ka tirsanaa SNM iyo dadweynihii taageersanaa ay ku jireen walina ku jiraan dad aamminsan Midnimada Qaranka Soomaaliyeed, haddana waxaa hoggaankii gobolladaas qabasay intii kala-faquuqa aamminsanayd. Waxay fidiyeen ololayaal diyaacada oo ay u la jeedeen in toodu ku meel marto. Waxay sameeyeen barnaamijyo ay ku soo dabayaan quluubta dadkooda. Iyadoo inta badan wararkii dicaayadaha ee ay baahinayeen been la dhoodhoobay ahaayeen, haddana, ilaa maanta ka may harin.

Waxyaalaha yaabka leh oo runta ka fog oo ay meel walba ku baahiyeen waxaa kamida: in iyagoo dal xor ah oo dalal badan aqoonsadeen ay ku biireen Dalka Soomaaliya 1960-kii. Waxay yiraahdeen tan iyo markii aan la midownay Gobolladii Koonfiurta Soomaaliya; waxaa nala ku hayey colaad, baabi’in taas oo si gooniya naloo ku talagalay. Waxay yiraahdeen isir ahaan baa naloo faquuqay oo horumakii baa naloo diiday, waxaa nala ku sameeyay xasuuq ba’an iyagoo hadalka u dhigaya in markii diyaaradaha iyo madaafiicda lagu xasuuqayay ay ahaayeen dad shacaba oo si nabada dhulkoodii u deggan, iwm.

Kuwaan afkoodu wax walba karo, marna ma sheegaan inay hubka qaateen oo nacabkii weynaa ee Itoobiya garab iyo gaashaan u noqdeen oo haddana ku soo dhex dhaceen ummad nabad u taal oo dhufays ka dhigteena dabkana saareen XDS iyo xubin kasta oo aan u dhalan qolodooda, ilaa markii dambe ay si ula-kaca u xasuuqeen dad masaakiina oo shacaba, qolodooda awgeed.

Ururkii dhibaatooyinkii waaweynaa ee Soomaaliya ka dhacay qeybta weyn ku lahaa wuxuu ku dhawaaqay dawlad madax bannaan oo ay u la baxeen ‘Somaliland’ oo macnuhu yahay, Dhulkii Soomaalida. Xitaa waxaa qaldan magac-bixintooda, waayo meel kasta oo Soomaali deggan tahay waa Dhulkii Soomaalida, mana aha magac gaar ahaaneed. 

Yeelkoode, waxay geed la fuuleen madax-adayg iyo islaweyni, iyagoo ku cargaag tamaya kala-dhantaalka Midnimada Qaranka Soomaaliyeed.
Kooxaha ku doodaya in Gobolladii Waqooyi go’aan oo dal gooniya noqdaan waxaa inta badan laga taageeraa qeybo kamida 2-da gobol ee; Togdheer (41000km2) iyo Waqooyi Galbeed (45000km2). Marka lagu jimeeyo wadar bedeedka labadaas gobol wadar bedeedka guud ee JDS (637, 657km2) waxay noqonayaan 13% oo waliba haddii loo jaro 3-da bedadka dhulalka ay deggan yihiin dadka kala-go’a diiddan, waxay ugu badnaan inta diiddan noqonayaan dadka deggan 10% Dhulkii JDS.

Toddobaadkaan 6/8-19/2020 wuxuu shir uga socdaa magaalada Jibuuti wafdi ka socda JS iyo wafdi ka socda kooxaha xagjirka oo ka socda ‘Somaliland’. Kooxahaas mintidka wuxuu hammigoodi yahay in loo aqoonsado dal madax bannaan, ama ugu yaraan haddayba noqoto inay la midoobaan Gobolladii Koonfurta Soomaaliya ay helaan saami dhan walba oo dhan 50%. 

Su’aashu waxay tahay kooxahaan isla-weynidu hankaas gaarsiisay, ee kaliya arka waxay naftoodu jamatay, oo innaba aan lahayn waxa maanka fiyow oggolaan karo, maxaa lagu la xaalayaa? Ma waxaa lagu la xaalayaa in kooxdaas afduubka ku haysata dadweyne tiro badan oo aan raalli ka ahayn waxay kooxdu wadato, la qanciyo siday rabaanna loo yeelo, iyadoo la duud siinayo dadweynaha intiisa badan?

Haddiiba, kooxdaas waxaysan daw iyo abbaar toona u lahayn loo oggolaado, waxay xadgudub iyo duudsiin ku tahay Shacab-weynaha Soomaaliyeed guud ahaan, waxayna horseedi kartaa colaado iyo dagaallo hor leh.

Sidaas darteed, waa in kooxdaas la oggolaysiiya inay lamid noqdaan dhinacyada kale ee Bulshada Soomaaliyeed ama waa in ay oggolaadaan in cod la qaadoo oo dadweynaha la weyddiiyo siday rabaan, waana inay ku qancaan in dadka Soomaaliyeed leeyahay xuquuq siman. Waa inay joojiyaan beenta joogtada ah ee ay ka sheegayaan sooyaalladii la soo maray. 

Calool maran baa la milaalaaye,
Iimaan maran la ma milaalo.

   

 

No comments:

Post a Comment