Monday, August 10, 2015

Waan Kuu Warramayaa (hees)

Waan kuu warramayaa 
Kaa waaban maayee naftaydaay
Ma og tahay wixii tagay 
Iyo ruux wadkii dilay 
Waheey soo ma celisee

Wakiyoo tallaabada 
Waa anigaan wahsanayee
Waqalkiyo daruurahaa 
Layga wacay dushoodee
Ina weer cad lay xiray
Warma lay la dhacayaa

Waligii nin liitiyo 
Jacaylkoo wadeeca
Taladiisa waydda
Waxyeellaa ku gaadhee
Adoo igu werwerayaan
Arrintii wareejee
Haddii weer cad lay xiray
Waa nin iyo waagii
Talow yaa waxgaradoo
Ayaa jooga waayeel

Jacayl wali ma leeyahay
Waanada ma qaataa
Ma wanaajiyaa ruux
Waxaan ahay wadeecoo
Waxyeellaa i gaadhee

Waan kuu warramayaa
Kaa waaban maayee naftaydaay
Ma og tahay wixii dhacay 
Iyo weerarkii xalay 
Wigladiyo ciyaartii

Waaxdaydii midig baa
Nala ka la walwaaloo
Waadiyo dhul doogliyo
Wabi bay ku nooshee
Anoo waayo arag baa
Dhulku i la wareegaa
Miyaan soo walhanayayoo 
Oo laygu wiirsaday

Maxaa kugu wacan sidan
Intaad nacas i leedahay
Warma caashaq leeyahay 
Iyo waxaan laguu warin
Walaac igu ma fiicnee
Mar haddaan wareersady
Wadda aan u leexdiyo
Ayna jirin wadiiqaba
Tolow yaan waraystaa 
Oo wehel iraahdaa 

Jacayl wali ma leeyahay
Waanada ma qaataa
Ma wanaajiyaa ruux
Waxaan ahay wadeecoo
Waxyeellaa i gaadhee

Erayada:
1- Waheey: waa eray loo adeegsado gocoshada ama calaacalka.
2- Wakiyoo: wakin waa socod iin leh ama dhutin yar.
3- Wahsanayee: ka caajisay hawshaydii daal iwm awgood.
4- Waqal: daruurta culus ama roobkaba.
5- Weer: waa cad maro ah oo caddaana oo madaxa lagu xirto si murugo weyn loo muujiyo.
6- Wadeeco: halkaan dayacan, baylaha ama aan daryeel haysan.
7-  Werwer: walwal/welwel ama walbahaar.
8- Waayeel: qof taliye ah, fil weyn, ama madaxa.
9- Wiglo: nooc ciyaar-dhaqameedka kamida; Wilgo.
10- Walwaal: wax culus-sidis, dandaamin.
11- Walhanayayoo: gebidhaclayn, duulduul.
12- Wiirsaday: lagu farxay dhibkaygii; digtay.





No comments:

Post a Comment