Tuesday, March 25, 2014

Goofartankii Xalay (hees)

Arrimahaan is wada galay
Guntimahaan la wada xiray
Anoon gacanta kugu dhigin
Gooni u ma furfurayee
Ma go'oo jaceylkuyoo
Gabluu i la ciyaaree

Goofartankii xalay
Markaan gogosha kugu tebay
Kaa eegay goonyaha
Kaa waayay garabkayga
Ilmo gobo' ma iga tiri?

Gawraha xagaagiyo
Guuraha hameynkii
Anigoon go'na sidan
Guri uga ma hoydee
Cadceeddoo i gubtay
Geed ka ma harsanayee

Goofartankii xalay
Markaan gogosha kugu tebay
Kaa eegay goonyaha
Kaa waayay garabkayga
Ilmo gobo' ma iga tiri


Jaceyl kaa ma guuroo
Guga kuu ma tiriyoo
Gabow kugu ma daayoo
Abaal kuu ma galayee
Gocoshada jalleecada
Indhaha ku galayee


Goofartankii xalay
Markaan gogosha kugu tebay
Kaa eegay goonyaha
Kaa waayay garabkayga
Ilmo gobo' ma iga tiri?













No comments:

Post a Comment