Inta geeda Geelwaaqistaa, ugu guduud roone
Hadday gaajo dili
xooluhu, goosan mahayaane
Garanuugta waan ugu
necbahay, gebi ugaareede
Gaaraa-bidhaan lagu ma
daro, galawga haadeede
Golcastaa sagaaro ugu
daran, guunyo dhaantida e
Waxba kuu ma galo
roob-ladhacu, waana shay gobahe
Galka Sirow raacadada
markii, la isku soo gaaray
Neefyahow guduudani,
midkii gaabiyaad tahaye
Guuldarrada waxaa
kuugu wacan, geenyadii hore e
Is-gudgududbka
Xamarow maxaa, golihii kaa raacay?
Mataan Ciideed
Mataan Ciideed
*******************************
Xaajadu dulkay mari
laheyd, waxaan diidnay
Xaqa lagu dareeriyo
waxaan, xistiga dacalbaabnay
Raganimo daraaddeed
waxaan, kala dambeyn weynay
Gabyaa (Reer Siyaad Ugaas Diini)
Gabyaa (Reer Siyaad Ugaas Diini)
*************************
Caku iyo way soo ma
oran, ninkaan cillownaaba
Sow malag cirfiid iyo
ma noqon, cara Alloo taagan
Gabyaa (Reer Siyaad Ugaas Diini)
Reerkayga waa uga dartaa, daanyo nabadeede
Dar Allaan ku noolan jiriyo, duul la weeraro e
Daawadaydu waa kobay labo habaas, ka duushaaye
Dudummo yulug haddaan harsado, dacas ma jiifeene
Samatar-Illaawe Dhagojarco
Gabyaa (Reer Siyaad Ugaas Diini)
Reerkayga waa uga dartaa, daanyo nabadeede
Dar Allaan ku noolan jiriyo, duul la weeraro e
Daawadaydu waa kobay labo habaas, ka duushaaye
Dudummo yulug haddaan harsado, dacas ma jiifeene
Samatar-Illaawe Dhagojarco
·
No comments:
Post a Comment