Monday, July 8, 2013

Caynkii Arraweelo (hees)

Ceeb ma leh jaceylkuye
Waa dawlada calan loo
Cidi lama hadlaysee
Cillad Eebbe keenaa
Dadku igu canaantoo 
Cududdaar u yeelee

Caynkii Arraweeliyo
Cadaw ha igu noqonine
Mar uun calool dabac

Adigaa Cawo loo

Caafimaad ku maaloo
Ku caweeya nabaddee
Gantaalladii cadceedda
Yaan ku cago gubyoodoo
Cidla' weheshi moodee

Caynkii Arraweeliyo

Cadaw ha igu noqonine 
Mar uun ii calool dabac

No comments:

Post a Comment