Ababkii Nabi Maxammad Iyo Kaahii Weynaa Ee
Islaamka
Qeybta 2-aad:
Khadiijo waxay ahayd Ina Khuweylid, qolo ahaanna waxay ka
soo jeedday jifadii Asad Cabdal-Cusaa ee Qureesh. Hooyadeed waxaa la oran jiray
Faadumo, gabadhii Sacdah oo ka tirsanaa jifadii Amiir Ina Luwey ee Qureesh.
Khadiijo aabbaheed wuxuu ahaa nin ganacsade ah wuxuuna geeriyooday abbaaraha
sannadkii 585-kii M.D. Khadiijo waxay soo martay labo guur kahor Nabi Maxammad.
Seygeedii Catiiq al-Makhsuumi waa ka dhintay. Markaas kadib Khadiijo waxay
noqotay haweeneey ganacsato ah oo weyn, waxayna qaadatay naanaysyaha; Dahiira,
Sayidatul Qureesh iyo Khadiijadii Weynayd oo macnuhu yahay tii xumaha ka
xalnayd iyo mudantii Qureesheed. Waxay ku liibantay ganacsigii oo hodan bay
noqotay, waxaana la sheegay marka ay safarradii ka koobnaa awrtii tirada badnayd ee macaashleyda ee isku xiriirsanayd aadayaan xilliga xagaaga Shaam iyo xilliga diraacda
Yeman, awrta Khadiija inay u dhigantay inta kaloo dhan.
Khadiijo ma raaci jirin safarradaas meelaha fogfog aadi jirtay ee waxay magacaaban jirtay ergay iyada wakiil ka ah oo ay kula heshiin jirtay qaddar faa’iidooyinka ka mid ah. Khadiijo waxay maqashay runlownimada iyo aamminimada Maxammad (NNK), waxayna jeclaysatay inuu hawlaheeda mas’uul ka noqdo. Sidaas darteed, waxay u fartay Khasiimah Ina Xaakim in ay siinayso labalaab wixii ay bixin jirtay hadduu codsigeeda tixgeliyo, waana la isku af gartay arrinkaas. Waxay Khadiija gacan-yare uga dhigtay inan iyada u shaqayn jiray oo la oran jiray Maysarah.
Khadiijo ma raaci jirin safarradaas meelaha fogfog aadi jirtay ee waxay magacaaban jirtay ergay iyada wakiil ka ah oo ay kula heshiin jirtay qaddar faa’iidooyinka ka mid ah. Khadiijo waxay maqashay runlownimada iyo aamminimada Maxammad (NNK), waxayna jeclaysatay inuu hawlaheeda mas’uul ka noqdo. Sidaas darteed, waxay u fartay Khasiimah Ina Xaakim in ay siinayso labalaab wixii ay bixin jirtay hadduu codsigeeda tixgeliyo, waana la isku af gartay arrinkaas. Waxay Khadiija gacan-yare uga dhigtay inan iyada u shaqayn jiray oo la oran jiray Maysarah.
Markii safarradii soo noqdeen Maysarah wuxuu Khadiija u
sheegay sidii wanaagga badnayd ee uu Maxammad (NNK) u maamulay hawshii loo xilsaaray, waxayna Khadiija safarkii ugu horreeyeyba heshay faa’iido labo jeer ka
badan intay filaysay. Wuxuu kaloo Maysarah, Khadiija u sheegay in soosocodkii
meel ay u dageen nasasho, uu Maxammad seexday geed hooskiis kadibna uu arkay
nin wadaada oo la oran jiray Nistoora oo leh; geedkaan nimaan nebi ahayn ma
seexan. Wuxuu kaloo Maysarah, Khadiija u sheegay in Maxammad (NNK) oo hurda uu
arkay, iyadoo labo malag daruur ku dallaalimaynayaan. Markay sheekooyinkaas Khadiija
maqashay waxay u tagtay nin wax-yaqaan ahaa oo ina adeerkeed ahaa oo la oran
Waraqah Ina Nawfal, wuxuuna u sheegay haddii wararka Maysarah run yihiin, inay dhab tahay in Maxammad yahay nabigii la sugaayay. Waxay kaloo Khadiija u sheegtay
Ina Nawfal inay habeyn ku riyootay, qorraxdoo soo hoobatay oo deyrka gurigooda
si weyn u iftiimisay. Wuxuu Ina Nawfal ku afjigay inaysan warkaas faafin uuna
kaaha nabinimadu gurigeeda, ku dul baahi doono.
Dhacdooyinkaas kadib, waxay ku tallantay inay Maxammad (NNK)
guursato, iyadoo dhawr jeer diidday maalqabeennadii Qureesh. Markii hore
Khadiijo waxay u sii martay arrinta guurka ay damacsanayd nin xigtadeeda ka mid
ahaa oo la oran Nafisa. Markii uu Nafisa, Maxammad ku soo qaaday arrin guur,
horraantii wuu ka maagtay, isagoo muujiyay inuusan awood dhaqaale oo uu xaas ku
kaaliyo haysan. Markaas kadib wuxuu Nafisa ku soo qaaday inuu guursanaayo qof
dumara oo iyadu dhaqaalaheeda wadata. Haddii arrinkii la falanqeeyay, waxay
Maxammad iyo Khadiija isla oggolaadeen inay adeeradood war geliyaan, dhammaanna
waa la isla oggolaaday. Waxaa doonitaankii Khadiija si rismi ah u soo jeediyay Nabiga adeerkiis, Xamsa ama Abuu Daalib amaba labadaba. Sidaas buu ku qotonsaday guurkii Maxammad
oo 25 jir ahaa iyo Khadiija oo 40 jir ahayd, wuxuuna socday ilaa 25 sano
waxaana ku dheehnaa wanaag badan iyo kalgacal dhab ah.
Maxammad iyo Khadiija waxay isu dhaleen lix carruur ah;
Qaasim wuxuu dhintay intii uusan dhalan cunuggii xigay, waxaana nabiga lagu
naaneysi jiray Abuu Qaasim (Qaasim Aabbihiis). Waxaa xigay Saynab, Ruqiya, Ummu
Kaltuum iyo Faadumo. Waxaa ugu dambeeyay Cabudullahi oo lagu kool koolin jiray
al-dayib (Kii Wanaagsanaa) iyo al-daahir (Kii Xalnaa), waayo wuxuu dhashay
kadib markii nabinimadu caddaatay.
Waxaa kaloo jirtay labo kale oo carruura oo ku koray aqalkii
Khadiija iyo Maxammad, waxayna kala ahaayeen; Cali Ina Abuu Daalib oo ahaa Nabi Maxammad ina adeerkiis. Kadib markii Abuu Daalib sabool noqday ayaa korintii
Cali waxaa la wareegay Maxammad (NNK). Kan labaad wuxuu ahaa, Sayd Ina
Xaarisah, wuxuuna ahaa wiil ka dhashay Qolodii Udraa. Dagaallo qoleed dhacay
kadib ayaa la soo af duubay waxaana loo iibsaday addoon ahaan, wuxuuna ku
dambeeyay qoyskii Khadiija intii dhawr sano ah. Mar dambe ayaa Sayd aabbihiis u
yimid waxaana la kala dooransiiyay inuu aabbihiis raaco iyo inuu la joogo Bah Khadiijo, wuxuuna doortay tan dambe. Sidaas buu u noqday wiilkii Maxammad
koritaan ahaan. Markii islaamku soo if baxay oo la joojiyay aabbe-u-noqoshada
cunug aan la dhalin, nabigu waa xoreeyay Sayd wuxuuna dib u qaatay magaciisii
runta ahaa ee Sayd Ina Xaarisah, wuxuuna ka-mid noqday, hormoodyadii bulshoweyntii islaantay.
No comments:
Post a Comment