Waxay Soomaalidu
Rumaysnayd Diinta Islaamka Kahor
Dadka
rumaysan, in Soomaalidii ka horreysay xilliyadii diimihii ku aroorey Nebi
Ibraahim (Tawreed, Injiil iyo Islaam) ay ahayd mid diinlaawe ah way malo habaabeen.
Soomaalidii ka horreysay diimahaas waxay si weyn u rumaysnayd Weynihii uunkoo
dhan abuuray. Waxay rumaysnaayeen Eebbe qura oo uusan wehelin mid kale, kaas oo
ku sugan cirarka sare. Soomaalidii hore iyo xigtadoodii ku abtirsan jirtay
odeygii weynaa ee Kuush, waxay u yaqaanneen Weynaha magacyo abbaaraha kor u dhaafay 100 magac, waxaana ka mid ahaa: Bare, Barbaariye, Shar-ma-arke,
Guulle, Ma-dhinte, Samadoone, Hoobal, Hooyal, Baal, Nidar, Weyne, Eebbe, Waaq iyo kuwo
kale. Waxaa si weyn loo adeegsaday
magaca Baal, kaasoo si weyn wali ugu dheehan afka Soomaaliga sida:
“uur-ku-Baal-le” iyo magacyada ku xusan shaxda hoose. Magaca Eebbe ee sida weyn loo adeegsaday, Qur’aankana
lagu xusay, walina laga rumaysan yahay qeybo ka mid ah Bahweynta Kuush waa
Waaq. Waaq waa ahaadaha sarreeya oo uumay noole iyo manooloo dhan, wax walbana
isagay u iishaan. Waa kan laga baryo roob-di’itaan kadibna inta yeela
baryootanka barwaaqeeya nolosha. Dhaqankii roob-doonta ee xagga Waaq laga
tuugaayay wali wuxuu ka dhex jiraa daaqsatada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa
wali nool u-mahad-celintii Waaq kadib markuu keenay roobkii laga tuugay. Waxaa
loo asteeyay meelo lagu caabudo weynaha Waaq, waxaana loo yaqaannay taallo.
Taallada waxaa laga dhigay goob ka sarreysa agaggaarkeeda, waana dhaqan waayo
badan soo jiray oo meelo badan oo dunida ah laga yiqiin.
Diintii Waaq waxaa loogu yeeri jiray Ged, sharciyada diintaasina waa xeerar ama Seerayaashii Waaq. Maahmaahda Soomaalidu waxaa la og yahay inay tahay dhab-ka-hadal aad u xooggan waana tii mid ka mid ahi ahayd; "Soomaalidu been waa sheegtaa, beense ma maahdo". Haddaba maadaama aadane iyo beeni isku lifaaqnaayeen, waxaa aad u suurtogal ah badi maahmaaha Soomaalidu inay ka mid yihiin haraadigii Xeerarkii Waaq. Waxaa kaloo wali si weyn u muuqda magacyadii kaloo Waaq, sida, Hooyal kaas oo bilawga gabayga (maansada ugu sarreysa) lagu bilaabo: Hooyaalayeey, Hooyaalayeey, Hooyee oo u dhigmi karta; Ilaahayow, Ilaahayow, Ilaah ama Eebbahayow, Eebbahayow Eebbe ama Allahayow, Allahayow, Alle.....
Waxaa
kaloo la rumaysnaa kuwaan:
- Duulal (spirits): duulashu waa labo jaad, mid dhib wadda iyo mid samo wadda; tan hore waxaa ka mid ah mingiska iyo duulasha aalaa laga cuudiyo dumarka oo wali ku sii dhex nool bulshada Soomaalida. Tan dambe waa tan sidda dhambaalladii Gedo Waaq, waayahaan dambana isla magacaas waxaa loogu yeeraa culimada ku talax tagtay aqoonta diinta.- Ayaan: waa duulka samaha ka soo walwaala xagga Waaq kadibna soo gaarsiiya dadka. Ilaa maantadaaan la joogo waxaa Soomaalidu ula baxdaa Ayaan ama Ayaanle gabdha iyo wiilkaba, macnuhuna waa gabadhii ama wiilkii uu weheliyay duulka wanaagsan. Ayaanlayaashii waayihii hore waxaan hadda u naqaan malaa'ig.
- Gurrac, Sharwade, Shaanbiye, Shuqube: waa duul ku hawllan oo aan marna ka daalin ka-jeedinta dadka dawyadii suubbanaa ee weynaha Waaq faray isla dadkaas. Midkaan dambe waxaan hadda u naqaan Shayddaan.
Waxaa kaloo jirtay sheeko diimeed (mythelogy) Reer Kuush rumaysnaayeen oo ay qabeen in dhulku ku qotomo; Gacalo iyo Gacaliye , inta labadaasi jiraanna ay dunidu dheelli tiran tahay ama xasillooni jirto. Waxaa lagu maseeyay arrinkaas dhulkoo kor saaran geesaha dibi ku dhaygagsan sac ku xiran geed hortiisa oo haddii indhaha gacaltooyo ee sacu ka jeestaan dibiga, dunidu qas iyo jaahwareer galayso.
Sidaas darteed, mar haddii dadkii ku noola geyiga Soomaaliyeed muddo dheer rumaysnaa Eebbe qura iyo xeerar qumman, markii islaamku soo cago dhigtay dhulalka Soomaaliyeed dadkii kuma qaloon, balse waxay u arkeen dhambaallo ka soo fulay isla weynihii ay waligood rumaysnaayeen.
Shaxda Magacyadii Uu Ku Lammanaa Weyne Waaq Ama Baal
Magaca Qofka ee Eebbuhu Ku Lammaan Yahay
|
Wuxuu Af-S/liga Ku Yahay
|
Abtirsiinyaha Qolada S/liyeed ee Magacu Ku
Jiro
|
Baal-le/leh
|
Kii Weynaha Baal la jiray
|
Ciise Muuse Habar Awal (Isaaq)
Reer Axmed Xuseen (Mareexaan, Daarood)
|
Baal-yeeri
|
Kii Weyne Baal uu faray ama amray
|
Awesame (Mareexaan, Daarood)
|
Ya-Baal
|
Kii Weyne Baal sharfay
|
Reer Maxamed (Ogaadeen, Daarood)
Baahale (Ogaadeen,, Daarood)
Reer Siyaad Xuseen (Mareexaan, Daarood)
Ciise Muuse, Habar Awal (Isaaq)
Agoon-dige, Xawaadle (Hawiye)
Xasanley Mucle (Habargidir, Hawiye)
|
Hoos-Baal-le
|
Kii uu weheliyay hooskii Weyne
Baal
|
Maqdaan
Tanade (Daarood)
|
Aar-Waaq
|
Libaaxii labka ahaa ee Waaq
|
Abgaal,
Hawiye
|
Amarti-Waaq
|
Amarkii ama fartiintii Weyne Waaq
|
Majeerteen (Daarood)
|
Aad-Waaq
|
Kii u iishay xagga Weyne Waaq
|
Abgaal (Hawiye)
|
Bar-Waaq
|
Astaantii Weyne Waaq
|
Abgaal (Hawiye) iyo Absame (Daarood)
|
Bidde-Waaq
|
Addoonkii Waaq
|
Jidle (Hawiye)
|
Caabud-Waaq
|
Caabudkii Waaq
|
Ogaadeen (Daarood)
|
Ci'-Waaq
|
Dhawaaqii Weyne Waaq
|
Abgaal (Hawiye)
|
Dal-Waaq
|
Dhulkii Weyne Waaq
|
Geledi (Digil)
|
Diin-Waaq
|
Rumeyntii Weyne Waaq
|
Xawaadle (Hawiye)
|
Guddoon-Waaq
|
Xukunkii Weyne Waaq
|
Majeerteen (Daarood)
|
Gumar-Waaq
|
Geedkki Weyne Waaq
|
Mareexaan (Daarood)
|
Guud-Waaq
|
Dushii ama madaxii Weyne Waaq
|
Ogaadeen (Daarood) iyo Xawaadle
(Hawiye)
|
Waaq-Maashe
|
Kiii uu Saameeyay Weyne Waaq
|
Reer Xasan (Mareexaan,
Daarood)
|
Jid-Waaq
|
Dawgii Weyne Waaq
|
Absame (Daarood)
|
Lixda-Waaqle
|
Lixda Waaq u iilata
|
Hadamo (Raxanweyn)
|
Magan-Waaq
|
Kii gabbaadsaday Weynaha Waaq
|
Jid-Waaq (Daarood)
|
Miyir-Waaq
|
Xiskii Weyne Waaq
|
Mudulood (Hawiye)
|
Naxariis-Waaq
|
Naxariistii Weynaha Waaq
|
Murusade (Hawiye)
|
Siin-Waaq
|
Siintii xagga Waaq ka timid
|
Ogaadeen (Daarood)
|
Si-Waaq-Roon (Siin-Waaq-Roon)
|
Siintii wanaagsanayd ee xagga Waaq
ka timid
|
Majeerteen,
Daarood
|
Tagaal-Waaq
|
Buruudkii, ayaankii Waaq
|
Ogaadeen,
Daarood
|
Tala-Waaq
|
Soojeedintii Waaq
|
Mudulood (Hawiye)
|
Waaq-bari
|
Baryadii Weyne Waaq
|
Dabarre (Raxanweyn)
|
Waaq-Biyo
|
Biyihii Weyne Waaq
|
Garwaale
(Raxanweyn) iyo Shiidle
|
Waaq-Dhaacin
|
Wax-u-gawracii Weyne Waaq dartiis
|
Abgaal iyo
Murusade (Hawiye)
|
Waaq-Dhoow
|
Tuugmadii Weyne Waaq
|
Dabarre (Digil
iyo Mirifle)
|
Waaq-Doore
|
Khiyaarkii ama dooristii Weyne
Waaq
|
Hadama, Eelaay iyo
Geledi (Digil iyo Mirifle)
|
Waaq-Jire
|
Kan Waaq dhawro
|
Sacad Habar-Gidir (Hawiye)
|
Waaq-Le
|
Kii Waaq lahaa
|
Ajuuraan iyo Shiidle
|
Waaq-Maade
|
Kan Waaq badbaadiyo
|
Dabarre (Digil iyo Mirifle)
|
Waaq-Mahad-le
|
Kan u mahad celiya Waaq
|
Jidle (Hawiye)
|
Waaq-Mahadshe
|
Kan Waaq mahadiya
|
Mareexaan (Daarood)
|
Waaq-Nuur-Qabe
|
Kan uu weheliyo nuurkii Waaq
|
Majeerteen (Daarood)
|
Waaq-Roone
|
Kii Waaq la jiray ama u roonaa
|
Tanade (Daarood)
|
Waaq-Sheen
|
Kii Waaq wax siiyay
|
Tunni (Digil iyo Mirifle)
|
War-Waaq
|
Warkii Weynaha Waaq
|
Habar-Gidir, Hawiye
|
War-Waaq-Jecle
|
Kii ka heli jiray warka Weyne Waaq
|
Mareexaan, Daarood
|
War-Waaq-Same
|
Warkii wanaagsanaa ee Weyne Waaq
|
Majeerteen (Daarood)
|
http://sanseverything.wordpress.com/2008/12/2...
http://en.wikipedia.org/wiki/Somali_Mythology
No comments:
Post a Comment