Thursday, April 4, 2013

Seeraynta Badaha


Related imageRelated image

SEERAYNTA BADAHA

Dhul-Biyoodka, ama Dhul-Badeedka, sida lagu qeexay Shirweynihii Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda ee sannadkii 1982dii  waa dildil ama daliig biyo xeebeedka ah oo dheraran ilaa 12 mayl badeed (22 km; 14 mi) ama ka badan (Soomaaliya 200 mayl badeed) taas oo ka kacda diillin-saleedka (aalaa astaan biyood dhexdhexaada) ee dal-xeebeedka. Dhul badeedka waxaa laga dhigay qeyb ka mid ah dhulka dalka madaxa bannaan, in kasta oo maraakiibta shisheeye (ciidan iyo rayid) loo oggol yahay inay dhex maaxaan iyagoon dan gaara ka lahayn dhul-biyoodkaan. Madaxbannaanida dhulkaan waxay fidsan tahay ilaa hawada ka sarreysa daliig-badeeddaan ka midka ah qeybta dalka madaxa bannaan iyo ilaa moolka hoose ee daliigtaas.
Si aan rismi ahayn waxaa oraahda “biyo dhuleedka” marmar loo adeegsadaa si loo tilmaamo aagga biyaha dalku sharci ahaan maamulo, oo uu ku jiro dhul-biyoodka gudaha ah, aagga soohdinta ah, aag dhaqaaleedka gaarka ah iyo dhulka gogol-badeedka ah ama qolof-badeedka ah (waa dhulka soo baxaya haddii biyaha dul ceegaaga la mariyo).
Aalaa, diillin-saleedka waxaa laga cabbiraa diillin biyood hoosaysa oo marta xeebta dalka la rabo in la cabbiro dhul-biyoodkiisa ama dhul-badeedkiisa waxaana lagu muujiyaa diillintaas shax-xeebeed, dalkaas xeebaha leh aqoonsan yahay. Waxay diillintaani dhici kartaa meesha ugu hoosaysa godanka badda, ama waxay noqon kartaa kafogaanta aan xaddidnayn dhul si joogto ah bannaanyaal u ah, iyadoo la rabo in cad ka mid ah dhulkaas ay muuqato marka baddu caarido, marka ay soo buuxsantana qeybtaasi biyaha hoos tagto (sida meelaha dhoobadu fadhidu) wuxuuna ka mid noqonayaa 12ka mayl badeedka ama 200 mayl badeedka ah ee sida joogtada ah bannaanyaalka u ah. Diillimo-saleedyo toos ah waxaa lagu qeexi karaa iyadoo lagu xiriirinaayo jasiirado ku taxan xeebta afka wabiyaasha, ama iyadoo leh tixgelinno kala duwan oo lagu xiriirinaayo afafka qoolaabyada. Arrinkaan markuu sidaan yahay, qoolaab waxaa lagu qeexaa “afmeeritaan si wanaagsan u astaamaysan kaasoo dhexgalkiisu uu la falgelaayo ballaca afkiisa si ay markaas ugu jiraan biyayowga dhulku ku hareeraysan yahay oo u taagan wax ka badan godnaanta xeebta. Si kastaba ha ahaatee, waa inaan afmeeritaanka laga dhigin qoolaab, haddii aan badkiisu uusan u ballaarnayn, ama ka weynayn goobo-lamoodda dhexroorkeedu uu yahay diilllin la mariyay afmeerkaas”. Diillin saleedka maraysa qoolaabka waa inaysan iyadana dhererkeedu ka badan 24 mayl badeed (44 km; 28 mi).
Biyayowga diillin-saleedka ka xiga xagga dhulalka gudaha ah waxaa lagu qeexaa inay yihiin biyayowga gudaha ah oo si dhammaystiran u hoos taga dalka madaxa bannaan, loomana oggola inay cidna dhex marto. Wabiyaasha iyo harooyinka waxaa laga dhigay inay yihiin biyayowga gudaha ah, sidoo kale biyayowga jasiiradaha ee ku siman agagaarka dal-jasiiradeedka sida Indooniishiya, Jabbaan iyo Filibbiin.
Dhul-badeedka dalku wuxuu markii laga soo cabbiro diillin-saleedka,  fidsan yahay ilaa 12 mayl badeed ama 200 mayl badeed. Haddii diillin-saleedkaani ku labanto dhul-badeedka dal kale, soohdinta waxaa laga cabbiraa dhibic dhexdhexaad u ah labadii diillin-saleed ee dalalka, waa haddii aan si kale labadii dal ku heshiin. Waxaa dal kasta jid u leeyahay inuu sheegto dhul-badeed yar.
Waxaa dhaca shaqaaqooyin mar kasta oo qaran xeebeed sheegto gacan biyood dhan iyadoo qarammada kale, kaliya ay aqoosan yihiin qeexitaannada shirweynaha QM (shirweynahaas waa kii Soomaaliya iyo dalal kalaba loogu oggolaaday dhul-biyood dhan 200 mayl badeed). Waxaa tusaale ah, markii Gacanka Sidra dhammaantiis ay sheegatay Liibiya kana dhigtay dhul-biyoodkeeda gaarka ah halkaas oo Dalka Maraykanku labo jeer xoog ku meel mariyay bad-ku-gooshka xorta ah ee gacankaas. Waxay ku beegnaayeen dhacdooyinkaasi sannadihii 1981dii iyo 1989kii.
 Aag-soohdimeedku waa qeyb biyood ka bilaabata geeska u dambeeya dhul badeedka, fidsanna ilaa 24 mayl badeed (44 km; 28 mi) marka laga jimeeyo diillin-saleedka. Dal walba wuxuu ku soo rogi karaa aag-soohdimeedkaas maamul ulajeeddadiisu tahay kahortagga ku-jawrfalayaasha hababkeeda canshuuraha, dhaqaalaheeda, socdaalka ama sharciyada fayodhawrka.
Aag Dhaqaaleedka Gaarka Ah: waxaa laga cabbiraa dhammaadka dhul badeedka wuxuuna fidsan yahay ilaa 200 mayl badeed (370.4 km) , sidaas darteed waxaa ku jira aaggaan, aag-soohdimeedkii. Waxay qaran xeebeedyadu daw u leeyihiin inay maamulaan dhammaan ilo-dhaqaaleedka aaggaan, oo ay ku jiraan kalluumaysiga, macdan-qodashada, sahminta saliidda, iyo waxyeello kasta oo loo gaysto ilahaas. Si kastaba ha ahaatee, qaran-xeebeedku ma diidi karo maritaanka aaggaan iyo ku-hakashadiisa, ama moolka badda, waase haddii la dhawro sharciyada iyo xeerarka dawlad xeebeedka iyo hab-dhaqannada QM. Sannadkii 1982dii, waxay qarammo xeebeedku si garnaqsi leh u fidiyeen biyayow dhuleedkooda iyagoo ku dadaalayay inay maamulaan hawlaha hadda lagu maqoorado aag dhaqaaleedka gaarka ah (the exclusive economic zone), sida ka-sahaminta saliidda moolalka badaha ama xuquuqaha kalluumaysiga.
QeexitaanQolaf Qaaradeedka (continental shelf) ee dalal xeebeedku wuxuu  fidsan yahay ugu yaraan 200 mayl badeed (370 km) iyadoo laga soo cabbiray diillin saleedka bad dhuleedka. Qolof qaaradeedku waa inuusan fidsanaan in ka badan 350 mayl badeed (650 km) marka laga soo beego diillin saleedka.
Qeybta qolof qaaradeedka ka tirsan oo ka rogan 200 oo mayl badeed waxaa loo yaqaan qolof qaaradeedka la fidiyay (extended continental shelf). Dalalka doonaya inay fidiyaan qolof qaaradeedkooda in ka sii rogan 200 mayl badeed waa inay xogta sheegashadooda soo gaarsiiyaan Guddiga Seeraynta Qolof Qaaradeedka (Commission on the Limits of the Continental Shelf). Markaas kadib waa in guddigu talooyin ka bixiyaa arrimaha ku saabsan yagleelidda seerayaasha. Seerayaasha lagu qotomiyay talooyinkaas waxay noqonayaan sharci iyo go’aankii kamadambaysta ahaa ee qolof qaaradeedkooda.


Xuquuqaha qolof qaaradeedka (Rights over the continental shelf):
Qodobbada 77aad ilaa 81aad ayaa qeexa dawyada dal u leeyahay inuu maareeyo qolof qaaradeedkiisa. Qaran xeebeedku wuxuu jid u leeyahay inuu maamusho dhammaan ilo dhaqaaleedyada ku dul sugan ama hoos ugu jira qolof qaaradeedkiisa, ha ahaadeen kuwo nool amase yaysan noolaane, laakiin daw uma lahaa inuu iski u maamusho nolollayda ku dul sugan qolofka ka baxsan aag dhaqaaleedkiisa gaarka ah (exclusive economic zone). Sidaani waxay daw ku siinaysaa dal xeebeedka inuu qolof qaaradeedkiisa shidaal ka qoto ama daadsado xargaha gujisyada quusa.
Laga soo bilaabo qarnigii 18aad ilaa bartamihii qarnigii 20aad, biyo soohdimeedyada Imbaroodooriyaddii Ingiriiska, USA, Faransiis iyo dalal kaloo badan waxay ahaayeen 3 mayl badeed (5.6 km) ballac ahaan. Markii hore, waxaa lagu cabbiri jiray fogaantii madfacii waayahaas, sidaasna waxaa lagu garan jiray qeybta badweynta ee dalka madaxbannaan ay ahayd inuu difaacdo. Si kastaba ha ahaatee, Iceland waxay sheegatay 2 mayl badeed (3.7 km), Norway iyo Sweden waxay sheegteen 4 mayl badeed (7.4 km), iyo Spain oo sheegatay 6 mayl badeed (11 km; 6.9 mi) xilliyadaas.  Xilliyadii ay bilaabmeen tijaabooyinka awoodda nukleerka iyo murannada kalluumaysiga,  dalalka adduunka qaarkood waxay iskood u kordhiyeen sheegashoo-yinkoodii xagga badaha, halkaas oo qaarkood gaarsiiyeen ilaa 50 mayl badeed, qaarna ilaa 200 mayl badeed. Markii la soo gaaray dabayaaqadii qarnigii 20aad waxaa loo batay in la qaayibo 12 mayl badeed. Tusaale ahaan, dalka Ingiriisku wuxuu soohdin badeedkiisa ka qaaday 3 mayl badeed wuxuuna gaarsiiyay 12 mayl badeed (22 km) sannadkii 1987dii.


Sheegashooyinka la sharciyeeyay ee ku aaddan qolof qaaradeedka iyo kalluumaysiga waxaa markii ugu horreysay sameeyay dalka Maraykanka isla markii uu dhammaaday Dagaal Weynihii Labaad ee Dunida. Bishii September 28/dii, 1945tii, ayaa Madaweyne Harry S. Truman soo saaray labo wareegto oo saldhig u noqday maamulka dawladda ee kheyraadka ku jira goobaha ku xiriira jiinka badda. Mid ka mid ah wareegtooyinkaas waxaa cinwaan looga dhigay "Siyaasadda Dalka Maraykanka Ee Ku Beegan Ilo Dhaqaaleedka Dabiiciga ee Ciidda Hoose iyo Gogolka Badda ee Qolof Qaaradeedka",  waxaana tuducii dhaqangelinta lagu xusay:
Xukuumadda dalka Maraykanku waxay qabtaa in ilo dhaqaaleedka dabiiciga ee ciidda hoose iyo gogolka badda ee qolof qaaradeedka ee ka hooseeya badaha sare laakiin xadka la leh xeebaha Maraykana, ay maamul iyo garsoor ahaan hoos imaanayaan Maraykanka
Wareegtadii labaad waxaa cinwaan looga dhigay "Siyaasadda Maraykanka Ee Ku Aaddan Kalluumaysi Xeebeedka Meelaha Qaar ee Badaha Sare",  waxaana lagu xusay tuducii dhaqangelinta:
Xukuumadda Maraykanku waxay qabtaa inay habboon tahay in laga yagleelo aagag dhawrsan badaha sare ee ku xiriira xeebaha dalka Maraykanka, meelahaas oo ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo kalluumaysi ama ka jiri doonaan waayaha soo beegan waana in lagu hayaa dhawris door ah.

Qaranka xeebta lihi wuxuu xaq u leeyahay inuu maamulo biyayowga dalkiisa gudihiisa dhex ceegaaga, si taas in yar ka hoosaysa buu xaq u leeyahay inuu maamulo biyo soohdimeedka. Wuxuu si buuxda ugu jid leeyahay inuu maamulo ilo dhaqaaleedka aag-dhaqaaleedkiisa gaarka ( exclusive economic zone) iyo sidoo kale ilo dhaqaaleedka ku dul sugan ama hoos uga jira qolof qaaradeedkiisa (continental shelf).

Dalalka fedaraalka sida Maraykanku, waxay maamulka biyayowga u qaybiyaan dawladda fedaraalka ama dawladaha uu fedaraalku ka kooban yahay.

No comments:

Post a Comment