Friday, May 4, 2012

WAAYIHII SOOMAALIYA/BARAAWE


WAAYIHII SOOMAALIYA/
BARAAWE

Baraawe waa magaalo guun ah oo ku taal dhul xeebeedka koonfureed ee Soomaaliya. Magaaladu waxay ahaan jirtay magaalo horumarsan oo barwaaqaysan iyo xarun door ah oo ka mid ah xarumihii waaweynaa ee Geeska Afrika. Waxay dad badan qabaan inay u ahaan jirtay geyiga oo dhan xarun ganacsi waxayna si weyn ugu tiirsanaan jirtay dalagyada beeraha iyo kalluumaysiga.
Socotadii Shiinaha iyo waayahannaba waxay dhigeen qoraallo kooban oo ku saabsan magaalooyinkii xeebaha Koonfurta Soomaaliya sida Cadale, Baraawe, Kismaayo, Marka, iyo Muqdishow. Waxay waayahannadu isku raacsan yihiin in laga soo bilaabo sannadkii 1400 M.D/A.D ay raxan maraakiib ahi imaan jirtay marsooyinka koonfureed ee Soomaaliya Sida Baraawe.
Sida laga soo xigtay socotadii Shiinaha waxaa magaalada dhinac walba uga wareegsanaan jiray xayndaab. Waxay kaloo sheegeen in guryaha dhismahooda loo adeegsan jiray dhagax iyo laban. Safarradii Shiinuhu waxay keeni jireen badeecooyin sida; dharka xariirta ah, agabka cunnada, bariis, iyo jaadad kale duwan oo dhar ah. Waxay safarradaasi la noqon jireen badeecooyin macaash badan lahaa sida;  haragga shabeelka, haragga libaaxa, foolka maroodiga, xabko iyo hu’ ka samaysan maqaarka duurjoogta.
In kasta oo aan si fiican loo hubin yagleeliddii Magaalada Baraawe haddana waxaa lagu hayaa taariikh-afeedka in markii ugu horreysay uu degay meeshay hadda magaaladu tahay nin la oran Aw-Cali iyo qoyskiisii oo ka soo guuray dhulka miyiga ah.  Aw-Cali wuxuu degay meel kayn ah oo u dhexaysay dhulka carro guduudda iyo deexda.
Horraantii sannadkii 900 M.D/A.D kahor intuusan Aw-Cali degaanka samaysan wuxuu sahamiyay dhul ballaaran oo u dhexeeyay Goobweyn iyo Baraawe.  Aw-Cali wuxuu goobaayay dhul ku habboon degaanka reerkiisa. Wuxuu la dhacay neecawda macaan ee xeebta Baraawe, wuxuuna isla markiiba hawlgeliyay xigtadiisii. Sidaas baa Aw-Cali ku geedqaaday degalkii noqday markii dambe magaalada Baraawe. Waxaa kaloo taariikh-afeedka lagu xusaa in kahor yagleeliddi Aw-Cali ee Baraawe uu Tolka Tunnida ah oo Aw-Cali ka soo jeeday degganaa dhulalka miyiga ah ee ku dhaw Baraawe.   markii Aw-Cali qummaati u degay Baraawe waxaa ku biiray degmadii kooxo kale oo Tunni ah kuwaas oo ka soo guuray dhulalka miyiga iyo xeebaha.
 Qolo kale oo la oran jiray Gaala Warday oo uu u talin jiray boqorkii Baraawit ayaa ahayd kooxdii labaad oo ku soo guurta Baraawe. Waayahanno badan baa rumaysan in magaca Baraawe ka soo jeedo magacii boqorkaas.  Labadii qolo ee Tunni iyo Gaala Warday waxay wada galeen heshiin meelmar ahaa ilaa 300 sano.
Inkastoo si weyn loo rumaysan yahay in kooxdii ugu horreysa ee degta Baraawe ay ahayd Tunnida haddana waxaa kaloo la rumaysan yahay in iyaga laftoodu markii hore ka soo hayaameen Adari (Harar) kuna soo furteen Qaraw oo u dhawayd Wabiga Ganaane. Waagaasi wuxuu ku beegan yahay abbaaraha 891 M.D (Masiixiga Dabadi). Intaysan ku furin Baraawe waxay degeen meel la yiraahdo Kooyaama oo Kismaayo u dhaw.  Waxay isla markiiba bilaabeen geeddigii dhanka Baraawe, waxaase waayahannada qaar leeyihiin; Tunnidu waxay aagga degganaayeen kahor sannadkii 800 M.D. Kahor geeddigoodii dhanka Baraawe waxay ku hakadeen meel lagu magacaabo Jaamboo waxayna u kale jabeen labo kooxood. Kooxdii kowaad oo ka koobnayd jifooyinka Goygaal iyo Daktira waxay goosatay inay dhinac qaaddo badweynta Hindiga. Kooxdii labaad oo ka koobnayd jifooyinka Daafarad, Werile, iyo Hajuwa waxay go’aansadeen dhabbayaasha dhulalka gudaha ah.
Kadib markii ay ku wada noolaayeen xasillooni muddo 300 oo sano ah, labadii qolo ee Gaala Warday iyo Tunnida wax ka dhex bilaabmay dagaallo, waxayna dagaalladaasi socdeen muddo dheer. Mar dambe ayaa labadii qolo waxay heshiis ku gaareen Jumbo oo hadda Goobweyn ah. Waxaa la isku afgartay in Tunnidu degto dhanka galbeed ee wabiga, Gaala Wardayduna degto dhankiisa bari. Labadaas aag waxaa la oran jiray Diillin Tunniyeed iyo Diillin Gaaleed. Waxaa kaloo dhulka loo sii kala qeybiyay seddex aag; aagga Gaala Warday, aagga Tunni iyo aagga aan la kala lahayn oo loo daayay daaqsatada. Sidaas baana degaanku u habaysnaa ilaa la soo gaaray xilligii gumeystayaasha.
Sida uu qabo Gerullo oo dhawr buug ka qoray taariikhda dhulka Banaadir, Tunnidu waxay ahayd dadka ugu badan aagga.
Horraantii 1281 M.D ayaa qoloda Biidda doonyo uga soo hayaantay Jasiiradda Carabta oo degtay Baraawe. Labadii qolo ee Tunnida iyo Gaala Wardaydu way soo dhaweeyeen. Si bulshada cusub isu afgarato waxay wada meelmariyeen afka la yiraahdo Chimbalasi oo erayadiisu ka kooban yihiin lahjadaha Tunnida, lahjadda Maay, iyo Maxaa. Wuxuu afkaani ku dhaw yahay afka Sawaaxiliga ee looga hadlo meelo bariga Afrika ah.
Biiddada waxaa ku xigay qolada Xaatimi oo iskeentay 1481 M.D. waxay qolodaan dambe ka soo hayaantay Yeman. Waxay Xaatimigu markii hore u jeedeen Andulus oo ku tiil Isbayn, waxaana ka dhashay shiikhii caanka ahaa Sheik Muhidiin Bin Arabi Tai iyo Mohamed Bin Sa'eed Bin Muslim oo wiilkii Muxyadiin ahaa.
Sannadkii 1506 M.D ayaa ciidan dhan 1000 nin oo Bortuqiis ah duullaan ku soo qaadeen Baraawe iyagoo rabay inay qabsadaan magaalada. Dadkii degaanku waxay si adag u difaaceen magaaladii wuxuuna dagaalku socday seddex maalmood. In kastoo Bortuqiisku ku dagaallamaayay hub cusub haddana reer gurigii dhulku isago ku dagaallamaya mindiyo, fallaaro, iyo waraf buu iska caabbiyay nacabkii soo tallaabay. Waxaa la rumaysan yahay in reer gurigii dalka dagaalkaas uga dhimatay ilaa 1500 oo nin. Ciidammadii Bortuqiisku waxaa la wariyay inay haweenkii degaanka ku sameeyeen kufsi baaxad leh. 
Sannadkii 1673 M.D ayaa koox kale oo la yiraahdo Asharaaf ka soo guurtay Muqdishow degtayna Baraawe. Waxaa kaloo jiray qolo la yiraahdo Omar Baa Omar oo iyana ka soo hayaantay Yeman oo soo degtay magaalada. Waxaa soo raacay qolooyinka aan xusnay oo iyana aagga wax ka deganaa qolooyin Baantuu ah oo isla sidii wali Wabiga Shabeelle jiinkiisa ugu sugan.
Qolooyinkii Xaatimi iyo Biidda waxay ku bahoobeen magaca Labada Tol, waxayna la sii bahoobeen Tunnida. Waxay Tunnidii iyo Laba Tol wada samaysteen isbahaysi xooggan ilaa ay si weyn u xidideen. Biiddadu waxay isku jaal noqdeen Jifada Goygaal ee Tunnida, Xaatimiguna Jifada Daktira.
Waxaa halkaan ku mudan in lagu xuso inaysan Baraawe ahayn meel hal qolo deggan tahay, balse waa magaalo ay degeen dadyow meelo kala duwan ka yimid, kadibna samaystay Afka/Lahjadda Jimbalaasi (Chimbalazi), waxayna isu yaqaannaan Waatuu Wa Miini ama Dadkii Baraawe oo qeyb waxtara ka ah Qaranka Soomaaliyeed.
Sannadkii 1873dii, Baraawe waxay hoostimid taladii Sultan Barqash Bin Said. Waxaa suurtogeliyay arrinkaan odoyaashii degaanka oo oggolaaday taladii Barqash. Suldaan Barqash wuxuu u magacaabay guddoomiyaha Gobolka Sansibaar nin wadaad ahaa oo reer Baraawe ahaa oo la oran jiray Sheik Mohidin Bin Sheik Abdullah.
Sannadkii 1874tii ayaa Khidwiyin/kii Masar qabsaday Baraawe iyadoon dhiig ku daadan, hase yeeshee, waxaa xukunkiisii magaaladu ku ekaa seddex bilood iyo toban maalmood. Waxaa qabsashadaan gadaal ka riixaayay Ingiriiska oo doonaayay inuu joojiyo ka-ganacsiga addoonta ee Barqasha oo ka jirtay Bariga Afrika. Waqti ku beegan Ciid-Al-Adxaa ayaa barqash dib ula wareegay magaaladii kadib markii Khidwiyin banneeyay.
Sannadkii 1893dii ayaa Baraawe waxaa la wareegay Dawladdii Talyaaniga kadib wadahadal jiitamay oo dhexmaray Duqowdii Banaadir, Suldaankii Sansibaar iyo Talyaaniga. Isla sannadkaas baa Sheik Faqi Bin Haaji Awisa Hassan Al-Dacfaradi aaday Sansibaar, wuxuuna soo saxiixay heshiiskii Talyaanigu kula wareegi lahaa degaanka Baraawe. Duqowdii degaankii Banaadir oo oggolaaday in Talyaanigu la wareego talada dhulkooda, iyagoo xeerinaayay awoodda ciidan ee Talyaaniga oo haddii la isku taago keeni kartay khasaare ballaaran oo naf iyo maal ah.
Baraawe waxay saldhig u ahaan jirtay waxbarashada diinta islaamka, waxaana wadaaddo sare noqday arday ka soo aflaxday dugsiyadeeda sida; Sheik Aweys Al-Qadiri,  Sheik Nuurani Bin-Ahmed Sabir, Sheik Kassim Al-Barawa, Sheik Hajji Sadiq,Sheik Moalin Nur Hajji Abdulkadir, Sharif Mubiidi, Akhwaan Cabdow Munye, Sheik Omar Hiraale, Sheik Mohamed Gaduudow.
Waxay kaloo Baraawe ka soo jeeday labadii halgame ee kala ahaa Abduikadir Sheik Saqawadiin  iyo Mohamed Osman Baarbe. Waxay raggaasi ka mid ahaayeen 15kii xubnood ee gundhigay Ururkii horseeday Madaxbannaanida Soomaaliya.

Xigasho:  Mohamed Kalif Babou
         The Modern History of SomaliLand by I.M. Lewis
The Shaping of Somalia by Lee V Cassanelli
The Story of Somalia by Shariif Aydrus


No comments:

Post a Comment