Friday, May 11, 2012

WAAYIHII MUQDISHOW




WAAYIHII MUQDISHOW


In kastoo aan si toosa loogu xusin Muqdishow sheekadii per-plus of Erythraean sea (waa sheeko Giriig ah oo aan la aqoon cid qortay, lase filaayo in la qoray bilawgii Taariikhda Masiixiga), haddana waxay sheekadaasi qiraysaa in xeebaha Soomaaliya uu ka jiray ganacsi xoog leh, waxaana ay xustay sheekadu waxyaabaha laga dhoofin jiray dhulka S/liyeed, waxaana ka mid ahaa badeecooyinkaas; qorfe, maydi, qolafka qubada iyo addoon tayo wanaagsan leh.

Muqdishow waxaa lagu xusay qarnigii 16aad sheekada la yiraahdo Chronica dos Reyes del Quiloa oo uu si kooban u qeybay Joao de Barros oo Bortuqiis ahaa. Waxay ku tiraabtay sheekadu in dadkii ugu horreeyay ee Muqdisho yagleelay ay u yimaadeen dhulka Sofala (ka mida Moosambiig) dahab-goobitaan. Ma cadda taariikhda xilligu, waxase la filayaa inay u dhexeyso qarnigii 10aad ilaa 12aad. Markaani waa marka ganacsiga dahabka Sofala ay ku kaliyeysatay Kilwa (maanta ka mida Tansaaniya).

Ma jiraan wax muujinaya in Muqdishow hal geeddi oo qaxooti carbeeda uu aasaasay, waxaase jira hayaanno qaxootiya oo kale geddisan oo yimid Muqdishow, waqtiyo kale duwan. Mid ka mida hayaannadaas Carbeed wuxuu ku beegan yahay xilligii lagu loollamayey khaliifaddii Karmatians, wuxuuna geeddigaasi ka soo hayaamay Al-Ahsa oo ku tiil khaliijka Carbeed. Malaha isla waayahaas baa kooxo faarissinihi waa reer Iiraane u soo hayaameen Muqdishow, sidaasna waxaa lagu sheegay qoraallo laga helay degaanno ka tirsan Shiraz iyo Naysabur oo ku beegan xilligii guyaashii dhexe (middle ages).

Si kastaba ha ahaatee, waxaa qarnigii 10aad Muqdishow ka abuurmay isbahaysi ka kooban 39 qolo; 12 reer oo Muqri ah, 12 Jiidaati ah, 6 Caqabi ah, 6 Ismaaciili ah iyo 3 Cafiifi ah. Ka dib markii ay hanteen heybad xagga diinta ah, waxay qolada Al-Qaxdaani  ka yeesheen qolooyinkii kale saldanad culamonnimo ku dhisnayd ‘ulama dynasty’. Waxayna sharaf u yeesheen in qaalliga mar walba iyaga laga doorto.

Nuskii dambe ee qarnigii 12aad baa Abu Bakar B. Fakhar Al-Diin ka unkay Muqdishow saldanad dhaxaltooya ah oo cuskanaysay awoodda reeraha al-Muqri. Wuxuu suldaanku yeeshay sharafta inuu qaalli u sameeyo magaalada.
Sannadkii 1322-3dii suldaanku wuxuu ahaa Abu Bakar B. Maxammad. Waagaas buu ku qoray magaciisa hal bilyan oo lacag quruuraxa hase yeeshee aan lahayn mansab. Waxaa Muqdishow soo booqday dalmareenkii Ibnu Batuuta. Markaas oo uu talada hayey Abu Bakar B. Cumar. Waayahaan ku beegan qarnigii 14aad iyo 15aad ee ay talada hayaan reer Fakhar Al-Diin waxay Muqdishow gaartay heerar barwaaqo iyo ladnaan leh.

Waxaa Muqdishow lagu xusay qoraallo uu sameeyay boqorkii Xabashida (Abyssinia), boqor Zare’a Ya’kob  oo la yiraahdo Mashafa Milad, waana markii uu ka warramayey dagaallo ku dhex maray isaga iyo xoogag muslina meesha la yiraahdo Gommad ee ka tirsanayd Dawaara.

Qarnigii 16aad baa taladii Muqdishow waxaa la wareegay saldanadii Mudafar (Muzaffar), oo la sameysatay iskaashi saldanad kale oo awood ku lahayd dhulalka gudaha ah waana saldanadii Ajuuraan. Waxaase iskaashigaasi burburiyay qolooyin raacato ah oo ka tirsanaa reerka Hawiye. Waxay qoladaan dambe Muqdishow ka go’doonsheen dh/dhaqaaqii ganacsiga ee gudaha, sidaas bayna magaaladii ugu hoobatay baaba’ dhanka dhaqaalaha ah.

Badmareenkii caanka ahaa ee Vasco da Gama oo ka soo noqday safarkiisii ugu horreeyay ee Hindiga baa Muqdishow weeraray sannadkii 1499kii kumase guuleysan qabsashadeeda. Sidoo kale sannadkii 1507dii baa burcadkii naakhuude Da Chuna (Bortuqiis) ku guuldarreystay inuu qabsado Muqdishow. 1532dii baa Estavao da Gama waa wiilkii Vasco De Gama e, u yimid magaalada si uu doon uga iibsado.

Sannadkii 1585tii baa Muqdishow waxaa hareereeyay awood-badeed ay lahayd Imbaradooriyaddii Cusmaaniyiintu (Ottoman Empire) oo uu madax ka ahaa Amiir Cali Bey, markaan magaaladu waa isu dhiibtay waxayna aqoonsatay heybadda Cusmaaniyiinta, waxaase 1587dii soo dhigtay xeebaha raxan maraakiib dagaala oo gaamura Bortuqiiska. Bortuqiiska wuxuu ku soo celiyay awooddiisii xeebaha Bariga Afrika. Way ka gaabsadeen inay weeraraan Muqdishow waxayse caradii kula dhaceen Faza (agagaarka Laamo), halkaas oo ay ku gawraceen dad aad u fara badnaa, waxayana ku gubeen ilaa 10,000 oo geed oo naarajiin ah.

Cali Bey wuxuu sannadkii 1589kii la yimid xeebaha ilaa 5 doonyood, wuxuuna mar labaad ku dhawaaqay talada cusmaaniyiinta ee xeebaha Bariga Afrika, waxaase isla markiiba jabiyay Bortuiqiiska halkaas oo isaga laf ahaantiisa lagu qabtay Mombaasa, loogana masaafuriyay Lisboon. Waagaas baa u dambaysay weeraradii Cusmaaniyiinta ee xeebahaas. Sidaas oo ay tahay waxaa Muqdishow ka soo saaray lacag quruuraxa oo maar ka sameysan tiro aan ka yareyn illa 12 xaakin.

Sannadkii 1700 baa raxan maraakiib  dagaala oo Ingriisihu dul hogatay marsada Muqdishow, dhulkase u ma dhaadhicin.

Markii Cummaaniyiinta carbeed ka qabsadeen Bortuqiiska Mombaasa 1698dii waxay kaloo qabsadeen Muqdishow iyo magaalooyin kale oo xeebaha, waxayna haysteen muddo aan la aqoon, waxaase markii dambe la faray inay ka guuraan dhulalkaas waana yeeleen. 


Si kastaba ha ahaatee, Muqdishow waxaa ka bilaabmay dagaallo sokeeye oo magaaladii u qeybshay laba dhinac waana Xamar-Weyne iyo Shangaani. Waxaa ka soo gurmaday Afgooye (Geledi) saldanad awood lahayd, waana Saldanadii Gelediga (Gheledi Sultanate). Sida la wariyay wuxuu la yimid suldaankii Geledigu ilaa 8000 oo nin oo ciidana. Markaas waxaa Muqdishow ku  bilowday ku-soo-qulqulkii reer guuraaga. Reerihii isku hayay labadii dhinac ee Muqdishow iyaguna waxay bilaabeen inay magacyadooda rogaan; Caqabi waxay noqdeen reer Shiikh. Jiidaati waxay noqdeen Shaanshi. Cafiifi waxay noqdeen Gudmana. Muqri waa Qaxdaanigiiye waxay noqdeen reer Fiqi

Waxaa qarnigii 18aad soo weeraray Muqdishow qolo raacato ah oo la yiraahdo Daarandoolle oo ka tirsanaa reerka Abgaal ee Hawiye, wayna qabsadeen magaaladii. Duqoodii sare ee lahaa magaca Imaam wuxuu saldhig ka dhigtay Shangaanni.   

Sannadkii 1823kii ayaa Sayid Saciidkii reer Cummaan isku dayay inuu ku hareeyo heybaddiisa Muqdishow, kadib markuu xiray labo nin oo magac lahaa. Sannadkii 1843dii bay ahayd markii ugu horreysay ee uu awoodo Sayid Saciid inuu u magaacabo magaalada xaakin, wuxuuna wakiishay xaakin reer gurigii ka mid ahaa. Ugu dambeyn 1870-88dii bay ahayd markii ugu horreysay oo ay xeebihii Banaadir u gacangalaan taliskii Cummaaniyiinta, waxaana markaan suurtageliyay wiilkii Saciid ee ahaa Barqash. Ragaalkii qarnigii 19aad baa gumeystuhu Talyaanigu kale wareegay Cummaniyiinta xeebaha Banaadir, waxayna taasi ahaatay bilawgii gumeynta Muqdishowdii da’da weynayd.

Sannadkii 1960kii baa Muqdishow loo gartay inay u noqoto caasumad labadii dhinac ee S/liyeed ee xornimada qaatay, waxaana loo saaray taajka qaranka S/liyeed dhammaanti. Waxay u noqotay hooyo qeybihii S/liyeed ee aan wali xorta noqon, waxayna u noqotay barta ay ku soo hirtaan oo hiil iyo hooba ka helaan. Waxaa la isugu geeyay awooddii S/liyeed oo idil, waxayna gaartay horumarkii ugu sarreeyay taariikhdeeda. Waayahaas ay bilicda iyo baaxadda hanatay, waxaa la siiyay naanaysyo ay ka mid ahayd; Luulkii Badweynta Hindiga, Caasumaddii ugu nadaafad badnayd dawladaha Carabta iyo tii ugu nabadgelyo badnayd.

Taangiyada maanta, hadba dhan u jibaaxaya jidadkii Xamar, madaafiicda iyo hoobiyaasha ku dul hooray xaafadihii bilicda badnaa, dhufaysyada laga dhex qotay kulliyadihii iyo fariisinnadii ciidankii qaranka S/liyeed ee heybadda lahaa, burburka baaxadda weyn ee gaaray magaaladii, xasuuqa iyo barakaca loo geystay dadkii, waa murugada qofka S/liyeed ee dareen fiyow leh, waxaase waaga baas u baryay Muqdishow 1991dii. Markaas oo S/lidii gadoodday burburisay dawladdii u ahayd balagga qeybaha qaranka S/liyeed oo idil. Markaas oo ay kuwii gadooday faagteem magaaladii guunka aheyd oo ay ka tirtireen raadadkii ilbaxnimada iyo nolosha oo idil, una rogeen  boholo-tuug iyo buulal jaan. Markaas oo ay boqollaal kun oo qof ka qaxeen magaaladay dhiseen, una dagaageen goonyaha dunida oo idil. Markaas oo ay kala kulmeen faracyadii isbahaysigii u horreeyay ee bud-dhigga u ahaa ilbaxnimadii Muqdishow tacaddigii ugu sarreeyay ee aadane la mariyo.

Muqdishow oo mar la oran jiray Sarabbuun mar walbana aheyd magaalo wadajir loo dhisay oo loo deggan yahay, hooggeedu wuxuu bilawday markii qolo isa siisay kuna xalaaleysatay hantidii intii kale. Muqdishow wuxuu magaceed ba’ay marki qolo ka dhigatay dhufeys xujo ku ah dawladnimadii Soomaliyeed. Ooraah caalami ah baa tiraahda ‘ummad walba hankeeday haabataa’. Waxay Soomaali midnimo iyo muunad lahayd markay laheyd han sarreeya, waa markay laheyd hanka Soomaali Weyn. Waxaa hooggeed yimid markii hankeedu noqday tuulo, magaalo iyo gobol. Luufluuftadaas baan ka ladi la’nahay. Waxaan gaarnay heer aan ilmeyn weynno, illeen waxaa ooya qof ididiilo leh oo caymo u muuqato!





No comments:

Post a Comment