Friday, May 25, 2012

ARWAAXDII BUKOOTAY

ARWAAXDII BUKOOTAY

Sida laga warqabo qofku wuxuu ka sameysan yahay labo qeybood oo kale ah jir iyo ruux. Jirku waa kan culeyska leh, daraaddiisna ay ku suurtowdo in jirku dhulka korkiisa ku ahaado, waa kan leh unugyada tirada badan oo daraaddood uu u yahay wax nool oo mar koraaya marna gaboobaya ugu dambaynna dhimanaaya oo baaba’aaya. Inta uu nool yahay jirku wuxuu leeyahay habab kale duwan oo uu ka sameysan yahay iskuna maamulo, haddii lagu soo duulana uu isku difaaco. Weerarrada ku yimaada jirka waxaan badidood u naqaan cudurro. Markay cudurradu haleelaan jirka wuxuu muujiyaa astaamo kale duwan. Mid kastoo ka mid ah astaamahaan waxaa lagu gartaa qaabka uu jirku u jirran yahay waxaanna ugu yeernaa cudur, xanuun ama jirro. Sidaas darteed, astaamaha jirradu waa qeylodhaan gargaar doon ah. Aadanuhu wuxuu u helay dhibabka la soo darsa hababka jirka dawyo uu wax uga qabto sida; daaweyn, daryeel iyo hawlo looga hortago weerarrada ku imaan kara qofka jirkiisa oo loogu yeero fayodhawr. In kastoo wali ay jiraan cudurro loo maaro waayay oo aan la heli daweyntooda, haddana badi waa laga adkaaday cudurradii la bartay. Waxaa dadaalladii badnaa ee ka dhanka ahaa jirrooyinka lagu gaaray in waayahaan cimridherersiga horumar laga sameeyo. Waxaa kaloo aad loo bartay waxyaalaha lagu dheefiyo jirka iyo kuwa waxyeellada u leh oo ay tahay in laga fogaado.

Dhanka kale, ruuxu waa tabarta nuuxinaysa oo hawlgelinaysa jirka awgeedna uu qofku ku noqdo mid ka awood badan abuuranayaasha kale ee uunka. Ruuxu waa qeybta qofka ee la aamminsan yahay inay markii ay kali noqoto ka madaxbannaan tahay xeerarka fiisikiska (physics) sida cufjiidka (gravity). Haddii jirku ahaa kan la falgala dhammaan walxaha uu ku garan karo shantiisa dareemayaal, ruuxu wuxuu la falgalaa dhammaan walxaha aan shanta dareemayaal lagu ogaan karin, kuwaan oo aan u naqaan daahsoonayaal (abstracts) sida; jaceylka, neceybka, baqdinta, samirka, maaminta/haaminta, aqoonta ama garaadka iwm.. Waxaa la leeyahay mar haddii ruuxu yahay qeybta qofka ee sii jiri doonta nolosha dambe ee waaritaanka waxa kaliya ee ruuxa la socon doona waa daahsoonayaashii uu la falgali jiray waayihiisii nolosha dhulka ee uu qofka hagi jiray. Meekhaanka ama martabadda nolosha waaritaanka qofkana wuxuu xiriir la yeelan doonaa falaaddadii daahsoonayaasha ee waayihii nolosha dhulka. 

Weyddiintu waxay tahay ruuxu sidii jirka oo kale cudurro ma ku dhacaan?
Jawaabtu waa haa, oo sidii jirka oo kale buu ruuxuna u bukoon karaa. Waxaa ka mid ah; garashoxumo, maaminxumo, falalxumo, xiqdi, xaasidnimo, balwado, maamulxumo, masayr, balaahood (balo-arag) iwm.. Qofkii ruuxiisu jirraday wuxuu la yimaadaa falal waxyeello badan u leh noolaha kale iyo naftiisaba. Halka haddii qofka jirkiisa in yar ka soo harto uu wali u kari karo waxtar loo aayo, qofka ruuxiisu jirrado isagoo jir ahaan dhan buu waxtarkii gabaa. Wuxuu noqdaa qof noloshiisu culeys ku tahay inta kale oo fayow. Sidii cudurrada jirka oo kale baa loola tacaalaa cudurrada nafta ama ruuxa, hase yeeshee sida kan hore kan dambe horumarku ma gaarin, sababtuna waa fahamka ruuxa laftiisa oo yar, ka dibna baxnaanintiisii baa sidaas ku yaraatay. Sidaas oo ay tahay waxaa jira habab la hubsaday oo haddii la raaco bukaankii ruux ahaaneed ku dawoobi karo ama fayodhawr ahaan loo adeegsan karo. Waxaa ka mid ah kuwaan dambe; xeerarka diinta iyo xikmadaha.

Takhaatiirtu markay daaweynayaan qofka buka oo daawooyinka u qoraan waxay tilmaamaan qorshaha daaweynta sida iyagoo sheega qaddarka daawo ee sida maalinlaha loo qaadanayo iyo inta la wadaayo qaadashada daawooyinka. Sidaas si le’eg baa cudurrada ruuxuna ugu baahan yihiin qorshe daaweyneed. Sida loogu dhibtoonayo haddii qaadashada daawada la tahan dhaafsho baa tan ruuxuna loogu dhibtoonayaa. Sida cudurradu uu leeyihiin kuwo faafa oo dad badan galaafta baa cudurrada ruuxuna u leeyihiin kuwo aafooyin keena oo dad badan saameeya.
Haddaba maanta shacabka Soomaaliyeed waa mid uu haleelay cudurro nafsaani ama ruuxaani ah oo baahsan. Waxay yihiin cudurrada nafsaaniga ee ku baahay ummaddda Soomaaliyeed kuwo aafo ah oo la isqaadsiiyay. Si loo sii garto cudurradaan aan ka soo qaadno tusaalooyinkaan muujinaaya astaamaha cudurrada ruuxaaniga ah:

·       Qof aad sheeko wadaag tihiin baad oran: ninkii hebel ahaa waa dadaalay oo xooluu tabcaday. Qofkii baa ku jawaabi; marwaduu qabo baa dadaashay ee hebelkaad sheegayso waxba kuma toornaadeen hadduusan heblo qabi laheyn. Mid kaloo agfadhiyaa oran; soo ma ogid inuu xoolaha xaaraan ku helay?
·        Mid baad ku oran; ninkii hebel ahaa waa dadaalay oo wax buu bartay, markaasuu ku jawaabi; waxbarasho maxay tari nimaan caqli laheyn?
·       Mid baad ku oran; xafladdii la qabtay hebel baa ka hadloo war fiican buu dadkii u gudbiyay, markaasuu ku jawaabi; war ma nin reer hebel ah oo waxsan sheegaad aragtay?  Mid baad ku oran; qolo hebel ama gobol hebel waa ismaamuleen oo wax lagu dayan karay sameeyeen, markaasuu ku jawaabi; faanka iyo tookhoodaa ku maan maraye cidna wax ma dheera. Mid baad oran; inanka hebel ah waa wiil firfircoon oo dadaal badan, markaasuu ku oran inta qoslo; abtigiis ma taqaan, war wiil waa abtigiise naga daa warka! Mid kalaad oran; reer hebel gabar wanaagsan baa u kacday, markaasuu oran; waxaad ogtahay yaraa, xaalkeeda hoose ma ka warqabtaa?
·       Mid baad oran; taariikhda Soomaaliyeed waxaa ka mid ah nin hebel la oran jiray oo gobonnimada u soo halgamay, markaasuu oran; uu yaa ahaa? Adigii baa oran tol hebel buu ahaa, markaasuu oran oo ma qoladaaduu ahaa? Saad oran haa, markaasuu inta qosol la dhaco oran; alla faan badanaa!
·       Waxaad arki koox meel lagu qaxweeyo fadhida oo ku hareeraysan hal qof oo dhammaan ku qoslaaya iyagoo qofkii ku leh; sidii qoladaada maalintii dhaweyd looga adkaaday ma aragtay?   Waxaad arki koox lagu tiriyo kuwo wax bartay oo u xusulduubasya sidii qoladoodu uga heli laheyd dawlad qarameedka Soomaaliyeed wasiir cuslus sida kan maaliyadda sidii iyadoo wasiirku qoladooda wax gooniya uga keenayo dawladda. Isla kooxdaas baad arki iyagoo caraysan haddii wasiirkay rabeen waayeen oo leh; waxaani dawlad maaha, taageeradayadii waa kala noqonaynnaa.
·        Waxaad arki qofaf ku xiiqsan difaaca madaxa dalka oo hadduu saxan yahay ama gefsan yahay labadaba isku si’ u difaacaya sababtuna tahay wadaagga abtirsiinyo. Isla qofafkaas uusan halyeygoodu gefin waxay u tuumiyaan madaxda kale ee aysan abtirsiinyo wadaagin dhammaan wixii gefaf ah ama khalddamay.
·       Waxaad ka akhriyi wejiyada qofaf badan oo bulshada ka mid ah farxad markii tol Soomaaliyeed laga soo sheego dhibaatooyin sidii iyadoo arrinta dan ugu jirto. Waxaa kuu caddaan in wararka dareenka leh xiiso u leeyihiin inta badan bulshada, u riyaaqidda wararkaasna si weyn loo arki karo. Dhaqankaasi waa balaahood; waana u-durraamashada dadka shiddooyin iyo sharaf la’aan waana cudur nafsaani ah.  
·       Marka qof wax gaaraan sida jirro, maalbeel, dhimasho iwm. waxaad maqli kuwo leh; ilaahay waa caaddil degdeg buuna addoomihiisa uga abaalmariyaa waxay galabsadaan sidii iyagoo soo akhriyay kitaabkii weynuhu qofkaas wax ugu qoray.
·       In kastoo xilalka ama jagooyinka dawlad qarameedka, kooxaha loo xilsaaraa adeegyadoodu iyo waxtarkooduba dhexyaal u yihiin qaranka oo idil, haddana waxaad maalin walba arkaysaa in inta badan bulshadu u heellan tahay reer hebelnimada qofka xilqaaday oo laga filaayay u-adeegga danta guud. Arrinkaan oo aan tusaale u baahnayn ee si weyn loogu wada jeedo waa astaamo cudurro nafsaani ah oo baahsan. Haddii bulshadu fayowdahay lama soo mariyeen in xubnaha ka adeegaya dantooda guud lagu jimeeyo qolooyinkooda ka dibna sidaas loogu dhadhansado.
·       Dharaar noolba, markii aad la kulanto qof ama koox Soomaaliya oo sheekaynaya ka maqli maysid wax quluubta u roon ee waxaad maqli erayo ku salaysan; naceyb, caraatan kulul, digasho, dhoodid/shoolid beena iwm..

Haddii aad u fiirsato tusaalooyinkaan soo taxnay iyo kuwo kaloo badan oo si fiican ugu dhabbagasho waxaa kuu soo baxaya in dadweynaha Soomaaliyeed ay haleeleen cudurro nafsaani ah oo ballaaran, intiisa badanna tahay bukaansocod aan garawsho ama daryeel haysan. Balse in badan oo mudan naxariis iyo dayactir la kulmaan xaarxaaro iyo xagashooyin.
Hadday ummaddu haysato caqiido suubban, leedahayna suugaan hodan ah oo xikmadahu ku hilan yihiin, maxay u fayo dhawri waayeen ama loogu dawoobi waayay?
Waa adag tahay weyddiintaas jawaabteedu oo malaha waxay u baahan tahay xeeldheerayaal kale duwan inay cilmibaaris qotodheer ku sameeyaan arrinka. Waxaase hubaal ah in tiro badan oo dadka Soomaaliyeed ahi seerayaashii qummanaa gooysay una tillaabtay aagagga gurracnaanta iyo qallooca. Sidaas oo ay tahay waxaa la malayn karaa;
Diintii la rabay in arwaaxda lagu daweeyo waxay u egtahay inuu dadkii ku sumoobay ka dib markii la dhaafshay doosaskii la rabay. Tusaale ahaan inan dhigta dugsiga hoose haddii la fariisiyo fasalka 4aad ee dugsiga sare oo lagu qasbo laguna jirdilo waa hubaal in inankaasi jaahwareer ku dhacaayo waxbarashadiina eedaayo oo ka cararaayo. Sidaas si le’eg baa loogu jirdilay dad badan casharro ay adag tahay inaan fahmaan. Waxaa kaloo jaahwareer ku sii riday markay arkeen wadaaddadii waligood culummada u ahaa oo la leeyahay waa gaalo oo qoorta la jaraayo. Waxay ku khalkhaleen markay arkeen qeyrooyin muslina oo wadaaddo tuxufihii xanbaarsan galayaan oo dadkii warjaafayaan. Waxay ku wareereen markay arkeen kii shalay lahaa ha la jahaado oo dad badan gubaabadiisii godka u galay oo maanta cadawgii lagu jahaadayay la saaxiiba oo la qoslaaya. Waxaa maankooda rogay markay arkeen asharaaftii la rumeysnaa inay qoyskii nabiga ka soo jeedaan dhawrsanaanna la bidaayay oo dhagarta iyo hantiboobka dhibco dheeri ah ku qaatay. Waxaa jahooyinkii isaga darmeen markay arkeen wadaad dareerinaaya aayado oo wacdi iyo waano la taagan oo wadaad kale leeyahay, gaalku waa beentiis. Waxaa maankooda gali waayay dhaqanka ah; waxaa aad la isugu hawlayaa dharka la qaadanaayo iyo sida timaha loo jaranaayo iyadoo ummaddii dhibaatooyin lixaad leh ku habsadeen oo si weyn u qaxayso, intii nolol ku gaartana magansanayso kuwii ay yiraahdeen ha lagu jahaado. Intii tahli wayday inay qaxdo tabar-darro awgeedna col iyo cadaawe isu horeynayaan. Haddii si kale loo yiraahdo waxay kuwii looga bisooday samatabixinta dadweynaha ka dhigeen dambeeddadii arrimaha horaaddadoodii.   
Waxaa arrinka loo sawiri karaa sidii takhaatiir cilmigii daaweynta ku wareertay oo wax isaga gadmadeen oo bukaankoodii kula dhexdhacay daawoqoris wada khalddan oo meesha kii bukay ka qaadan lahaa hal xabbo oo kiniini ah maalintii qaatay toban xabbo. Sidaas baa arwaaxdii bukootay oo samatabixinta u baahnayd ula kulantay daaweyn khalddan. Dhab ahaantii cilladdu daawada maahee waa hababka daaweynta. Dhanka kale, murtidii xikmadaha badnayd waxay noqotay midaan waxba tarayn dad dhimirgoror ku dhacay, oo miyaa murtiyi wax tari kartaa dad la madax qaaday? Waa maya oo horraantiiba waxaa mugdigii lagu dheelmay ku lumay miisaankii lagu beegi lahaa xumaha iyo kii samahaba. Ummad ay halbeegyadii ka lumeen sow maaha ummad dayowday oo dhankii u roonba ka hadaftay?
Waxaa dadweynaha Soomaaliyeed u baahan yahay in la daaweeyo oo cudurrada ruuxaaniga ah laga dabiibo. Waxaase muhim ah inaysan takhaatiirta daaweyntu iyaga laftoodu bukin oo aysan madaxqufan, xilbalaqsi iwm. qabin oo uusan arrinku noqon bukaankii la ildarnnaa xanuun faafa oo takhtar u ah dhallaan hargabay. Waxaa kaloo muhiim ah, in xarunta  saldhigga u ah fayoraadinta aysan noqon mid ay ka cukan yihiin xanuunnada baabi’intooda lagu raadjoogo. Haddii goobihii ay ka soo faltamayeen daryeelayaashu noqdaan kuwii saldhigga u ahaa jirrooyinka la rabo in la dabargooyo dadaalkii la sameeyaaba sow noqon maayo mid lagu hungoobo?.  

No comments:

Post a Comment